Somaliland & Sannadka tagay 2023

Maqaalkani waxa uu dul istaagi doonaa sannadkii tagay ee 2023 sidii uu Somaliland u ahaa iyo saamayntii uu ku yeeshay. Waxa uu si gaar ah diiradda ugu qabanayaa dhacdooyin dhawr ah oo sannadkaa dhacay iyo saamaynta taban ama togan ee ay dalka ku yeesheen.

MAQAALLO

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

12/31/20236 min read

Socotada nolosha iyo wareegga dunida ayay ka mid yihiin isbeddellada sikinnada iyo sannaddadu. Xawaaraha uu waqtigu ku socdana waxa ku tusaya isbeddelka degdegga ah. Shalay uun bay ahayd markii la soo dhawaynayay sannadkii galbaday ee 2023, maantana waxaynu ku jirnaa mid cusub iyo sannadka 2024. Haddaba xilliyadan sida degdegga ah isu kala beddelaya, garashadu waxay inagu waajibinaysaa qiimayntooda ama si kale haddii aan u dhigo u dhug yeelashada xilliga tagay siduu ahaa, taasina waxay waxtar u leedahay saadaalinta ka soo socda.

Maqaalkani waxa uu dul istaagi doonaa sannadkii tagay ee 2023 sidii uu Somaliland u ahaa iyo saamayntii uu ku yeeshay. Waxa uu si gaar ah diiradda ugu qabanayaa dhacdooyin dhawr ah oo sannadkaa dhacay iyo saamaynta taban ama togan ee ay dalka ku yeesheen.

Sannadkan dhammaaday umadda reer Somaliland siyaasad ahaan xumaan iyo samaanba wuu u lahaa. Labadaas kolka la isu miisaamana waxa uu ahaa sannad aan Somaliland siyaasad ahaan iyo umad ahaan midna aan u wanaagsanayn, bal e sannad u xumaa ayuu ahaa. Waxaanu ahaa sannad gilgilay qalbiyada dadka kuna abuuray werwer iyo baqe ay ka qabaan aayaha iyo mustaqbalka nolosha iyo dalka. Taas oo sababteedu tahay awooddii dawladeed oo ay si gunnimo iyo budhcadnimo ah ugu tagrifaleen kooxo is bahaystay, kuwaas oo dantooda qofaf ahaaneed ka doortay danta guud ee umadda iyo aayaheeda.

Amniga guud, Jabhaddii Gacan-libaax iyo dagaalkii Laascaanood:

Dadka Somaliland muddo badan waxa uu ereyga “Nabad” u ahaa afgarad. Inuu afgarad u ahaa waxay tilmaamaysay gobannimo ay soomaalida kale oo dhan tusaale ugu noqdeen. Waa afgarad ama halhays ay ku nabadoobeen oo soomaalida kale iyo dunida oo dhami ku ammaantay. Muddo ka badan labaataneeyo sanno oo ay dadka Somaliland ku naalloonayeen, nabaddoobidda, dawladdoobidda iyo dimuqraaddiyaddoobidda (heerka ay joogtaba) waxay kaga heleen maamuus dunida iyo soomaalida kale oo dhan. Laakiin quruxda sidaas ah, bulshadaa dhan ee tiradeeda 4 malyuun lagu sheegaa, caawa waxay ku sugan tahay, kuna sii socotaa, meel xil leh iyo god waraabe. Waana sababta ay maanta ugu sugan yihiin xaalad werwer iyo qabe ah oo ay ka qabaan xasiloonnidooda, iyo dawladnimadoodaba.

Sannadkan galbaday, Somaliland waxa ka samaysmay jabhado hubaysan, kuwaas oo ka dhashay ka dib layntii badheedhka ahayd ee muddaharaadyadii dalka ka dhacay 11kii Ogos, 2022 lagu laayay shan ka mid ah muwaaddiniinta Somaliland (sida aanu ka xiganayno warbixintii Xarunta Xuquuqul Iinsaanka Hargeysa) iyo ka sib is hor taaggii qabsoomidda doorashada madaxtooyada oo ku muddaysnayd Noofeember 2022. Waxaana ka mid ah jabhaddii gashay buurta Gacan-libaax oo 90km u jirta magaalada Hargeysa. Halkaas oo sannad ka dib (11kii Ogos, 2022) sannadkan galbaday 11kii Ogos ay isku waajaheen Ciidamada RRU, halkaasna ay ku dhinteen 12 ka mid ah ciidankaasi.

Mid kale oo taa ka sii weyn baa jirta. Sannadkan galbaday xasuusta wadareed ee dadka Somaliland waxa uu kaga tagay oo aan abidkeed taariikhda ka baxayn masiibooyinka dawladeed ee dhacay, oo ay ka mid ahayd dadweyne aad u badan oo ay dawladdu laysay, ka dib dagaal muddo siddeed bilood ah ka socday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Waxa uu ahaa dagaal laga maarmi karay haddii garasho fayow iyo miyirqab lagu maareeyo. Ta ugu sii darani se waa inuu dagaalkaas jab aad u weynni ka soo gaadhay ciidamadii qaranka ee soddonka sannadood lagu soo tabcayay iyo inay gacanta Somaliland ka baxday magaaladii Laascaanood, xududuudkii dalka oo kolkii MW. Muuse talada dalka la wareegay Yoocada ahaana maanta Oog uu ku eg yahay.

Qaddiyaddii madaxbannaanida Somaliland:

Sannadkan galbaday siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland waxay gaadhay heerkeedii u hooseeyay, waxaanay dhaawacyada u badani ka soo gaadheen hab dhaqanka xukuumadda MW. Biixi. Wuxuu ahaa sannad ay taageerayaashii caalamiga ahaa iyo daneenayaashii dunida ee Somaliland ay ka gaadheen heer quus ah arrimaha dimuqraadiyadda iyo dawladnimada Somaliland.

Tu ka sii darani waa inay soo baxeen sannadkan xogo badan oo qarsoodi ahaa kuna saabsan kulamadii ay yeesheen MW. Biixi iyo MW. Farmaajo, kuwaas oo ay ka warrameen Raysal-wasaare kuxigeenkii hore ee dawladda Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Maxamed-Dheere. Waxana soo baxday in qaddiyaddii madaxbannaanida Somaliland ay soo laabtay xukuumaddu. Waxaana rumeeyay xog kastan oo soo baxday kulankii u danbeeyay ee dalka Jabbuuti ka dhacay kuna kulmeen labada MW. Muuse iyo MW. Xasan. Go’aannadii ka soo baxay kulamadaasina waxay si cad u muujinayeen in meeqaamkii Somaliland uu marayo heer aad u hooseeya (in lagu tilmaamay gobollada Waqooyi). Taa waxa marag u ah, in markii kowaad taariikhda wadahadallada labada dawladood uu dhanka Somaliland u saxeexo heshiis wasiirka Arrimaha Guduhu.

Maxaa taa ku jaban? Somaliland waxay u ahaayeen wadahadalladu kuwo arrimo dibaddeed, taa darteed waxaa saxeexi jiray heshiisyada Wasiirka Arrimaha Dibadda, halka dawladda Soomaaliya oo u arkaysay qaddiyad gudaha dalkeeda khusaysa uu u saxeexi jiray wasiirkeeda arrimaha guduhu. Sidaa awgeed, saxeexa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland wuxuu u taagan yahay in arrimihii wadahadalladu ku soo urureen arrimo daakhili ah oo khuseeya dawladda Soomaaliya, Somaliland-na tahay maamul ka mid ah.

Tu kalena waa in sannadkan galbaday 18kii Diiseember la mideeyay muusiggii labada Idaacadood ee Hargeysa iyo Muqdisho. Taas oo iyaduna marag u ah jihada xukuumadda MW. Biixi ay u jihaysay dalka.

Hubanti la’aanta qabsoomidda doorashooyinka:

Ka dib khilaaf siyaasaddeed oo dalka dhawrkii sannadood ee u danbeeyay ka soo taagnaa la iskuna hayay qabsoomidda doorashada madaxtooyada, ka dib wixii ergo waxgaradka dalka oo dhan ah: ganacsato, oday dhaqameed iyo culimo ee gartooda la diiday, ka dib wax kasta oo xun oo dhaawac ku ah dawladnimada dalka oo soo dhacay muddadaa, ka dib sannadkan galbaday bishii Ogos odayada qabiilka Habar Jeclo halgankii ay galeen ee nafhuridda ahaa oo umadda lagu nabadaynayay dawladnimadana lagu badbaadinayay, ka dib go’aamadii ay soo saareen oo uu ugu mudnaa in sannadka 2024 bisha Noofeember 13keeda mar la wada qabto doorashooyinkii madaxtooyada iyo Ururrada/Xisbiyada.

Waxaas oo dhan ka dib, ma soo muuqato hubanti ay Somaliland kaga qabsoomi karaan 13ka Noofeember, 2024 doorashooyinkii madaxtooyada iyo Ururrada/Xisbiyadu. Wax kasta oo lagu soo xalliyay sannadkan galbaday khilaafkii doorashooyinka la iskuna dayay in lagu badbaadiyo dalkuna uma muuqdaan inay ka suurtageli doonaan dhanka xukuumadda.

MW. Muuse oo awalba Somaliland geliyay xaaladdan hubanti la'aanta ahi waxa muuqata in aanu wax sharci, heshiis iyo lexjeclo ah eegayn ee dhanka ay wax u dhici karaanba uu u ridi doono sannadkan cusub, ka hor 13ka Noofeember, 2024 oo ay ku muddaysan yihiin doorashooyinku. Muddadaana waxa uu ka dhiganayaa waqtigii dameer la bari lahaa akhriska. Ma taqaan waqtiga dameer la baro akhriska?

Boqor kibray oo hodmay baa beri yidhi wax aan doonayaa cid dameerkayga akhriska barta oo aan siiyo maal adduun waxa ay afkeeda ka sheegato, cidda been ii sheegtana waan dilayaa. Waa la wada yaabay. Bal yaa dameer akhris bari kara? Nin baa warkii maqlay oo yidhi boqorka hala ii geeyo. Boqorow, aniga ayaa dameerkaaga akhriska baraya, laakiin shardi keliya. Waad og tahay damiinnimada dameeraha ee i sii waqti 20 sannadood ah, waana ballan inaan kuu keeno isaga oo adiga buugaagta kuu akhriya.

Boqorkii damaca xumaa wuu yeelay shardigii, lacagtii labaatanka sannadood dameerka wax lagu bari lahaana wuu qaddimay. Waar hooge, dameer akhris ma bari kartid ee sow boqorku ku dili maayo? Ayay dadkii ka naxayay wayddiiyeen ninkii. Waxa uuna yidhi, 20 sannadood lacagtaas baan ku noolaanayaa, muddadaasna waxaa dhimanaya dameerka, ama boqorka, ama aniga ama saddexdayaduba. Sidaa awgeed, MW. Biixi sannadkan cusub (ka hor Noofeember) waxa uu ka dhigan karaa muddo cidi uun dhimato oo wax kasta oo xumi dhacaan. Loo joogee.

Gunaanad:

Masiibooyinka dawladeed ee dhacay sannadkan galbaday, inta jab iyo hoosudhac dalka ku yimid, iyo maamul xumada, sharci darrada, daacad darrada, iyo musuqa (oo uu dadweynuhu ku sifeeyay bililiqo), waxay saadaal xun ka bixinayaan mustaqbalka Soomaalilaand ee sannadka cusub (2024). Sababta arrimahaasna maqaalkani waxa uu ku doodayaa inay ku yimaaddeen guuldarro hoggaamineed oo xidhiidh ahayd. Waana hadalkii gunaanadka ahaa ee Chinua Achebe ay ka qortay dhibaatada dalka Nayjeeriya iyada oo tidhi:”dhibaatada taalla dalka Nayjeeriya waa tu gabi ahaanba ku timid guuldarro hoggaamineed oo xidhiidh ah (Chinua Achebe, The Trouble with Nigeria (Fourth Dimension Publishing Co, 2000), 1.).

Ugu danbayn sannadka 2023 wixii uu la galbaday haddii aynnu qodobbaynno, waxa uu sannadkani galbaday iyada oo:

1. Waxii godob dastuurka iyo qaranka laga galay aan cidna loo maxkamadayn cidina ka dagaallamin.

2. Waxii dhibaato iyo jab ahaa ee Ciidanka Qaranka soo gaadhay, iyo waxii hub Qaranku lahaa laga soo dhaqaaqay oo aan laga xisaabtamin.

3. Waxii odayada qabiilka Habar Jeclo galeen halgan nafhurid ah oo umadda lagu nabadaynayo dawladnimadana la gu badbaadinayo muran la geliyay.

4. Qarannimadii Somaliland oo dib loogu soo celiyay magaca “Gobollada Waqooyi” taana lagu qoray heshiiskii soo baxay 30kii Diiseember, 2023.

5. Wax kasta oo dawladnimada iyo umaddaba soo gaadhay ka dib oo aanay soo muuqan caqli iyo garasho dhab u fiirinaysa wixii dhacay iyo siday u dhaceen dabadeed qun uga fikiraysa sidii loo samatabixin lahaa dadka loona badbaadin lahaa dalka.

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

31 Diiseember, 2023.