SNM & Sufism

Maqaalkan waxa qoray CabdiqaadirKoosaar oo ahaa guddoomiyihii 3aad ee ururkii SNM.

Cabdiqaadir Koosaar

2/2/20239 min read

Waxa SNM aad uga buuxa dad aamminsan Sufism iyo Awliyo wadda halganka. Haddaba waxa iswaydiin leh taariikhda Sufism guud ahaan mujtamaca Soomaaliyeed, iyo gaar ahaan sida ay u saamaysay Abuuritaanka SNM iyo socodka halganka.

Sufism: sida asalka kelmadda carabida ahi ay tilmaamayso waa heer Ilaah aammin oo aad u sarreeya. Waxaanay la xidhiidhaa falaasifadii hore ee Islaamka sida Imaam-El Gazali oo heer sare oo aqooneed diinta Islaamka ka gaadhay. Taasi waxay Imaam El Gazali gaadhsiisay inuu faahfaahiyo sarena u qaado heerka aqooneed ee Ruuxiga ah ee diinta Islaamka.

Culimo badan oo dadaal dheeraad ah diinta ku sameeyay ayaa waxa lagu tilmaami karaa Sufi, hase yeeshee waxa kala duwan Sufism oo ah heer aqooneed oo Ruuxi ah oo ku yimaadda dadaal dheeraad ah iyo cilmi baadhis dhinaca Ruuxi ah iyo fahanka qotada dheer ee ULUUHIYADDA koonka, bani aadanka iyo dabiicadda iyo ta aynu ku aragno Soomaaliya oo aad mooddo inay tahay mid ujeeddooyin dadban leh.

Waxaynu ogsoon nahay inay caadi u tahay dadka soomaaliyeed ee caammada ah inay had iyo jeer ku dhawaaqaan markii dhibaato ku timaaddo "Ilaah iyo Sh. Hebeloow ..." taasoo ay dadku aamminsan yihiin in Sheekh hebel uu Ilaahay uga dhaw yahay, sidaas awgeed Ilaahay aqbali doono ducadaas. Waxa iswaydiin leh: maxaa ugu wacan in dadku ay Ilaahay u soo maraan qof addoon ah oo isma Ilaahay abuurtay? Waxa muuqata in halkaas dadku kaga been sheegeen KELINNIMADA Ilaahay (الوحدانية) oo ay u yeelleen shariik. Hase yeeshee ma filaayo in dadka caynkaas lihi ay dareensan yihiin gefka halkaas ku jira. Sidaas darteed Ilaahay isaga oo xukuma quluubta uu dadkaas ugu dembi dhaafo. Soomaalidu waxay tirsataa boqollaal sheekh oo Awliyo ah kuwo dhintay iyo kuwo noolba. Waxaadse mooddaa in aanay ka madhnayn qoloqolo iyo qabyaalad iyo wakhtiyadan dambe siyaasad.

Marka laga soo bilaabo muddadii xukunka Maxamed Siyaad Barre gacanta ku dhigay waxa aad u soo if baxay maqaammo loogu magacdaray shuyuukh, awliyo hore u xijaabtay iyo kuwo noolba. Maqaamadaasi waxay u kala dhisnaayeen qaabab qabali iyo qoloqolo ah ama magaalo-magaalo ah. Waxaan iyana marnaba ka madhnayn siyaasad ama haka timaaddo xagga dawladda ama ha ka soo horjeeddaba. Waxa tusaale loo soo qaadan karaa dadkii furay maqaamadaas intooda badani waxay ahaayeen dad hore siyaasadda ugu jiray, hase yeeshee nidaamkan Siyaad Barre meelna ka soo geli waayay. Waxa kale oo muuqatay nin kasta oo siyaasad darteed loo xidhay ama uga baqaayay in loo xidho inuu markiiba ka mid noqday maqaam isaga oo wehel ka helay dad isaga la mid ahaa. Isla markaas waxa la ogsoon yahay in nidaamka S. B, gaar ahaan Nabadsugiddy ku yeelatay wakiillo maqaamadaas, si ay ula socdaan waxa lagu hayo meesha.

Dhanka kale waxa la wada ogsoon yahay in nidaamka S. B aad ula dagaalamay ugana hor tagay kulan dad oo meel isugu taga, hase yeeshee maqaammada uu fasaxat. Su'aasha iswaydiinta lihi waa: muxuu nidaamka S. B u fasaxay maqaammada? Dadka qaarkoo waxa laha yaabaa inay moodaan inay tahay ixtiraam S. B u hayo diinta Islaamka ama sheekh iyo weliyo maqaamka loogu magac daray. Taas waxa burinaaya:

  1. S. B inaanu diinta Islaamka aamminsanayn waa mid cad. Tusaale ahaan horta Quraanka ma yaqaan, cibaadada Ilaahay ma oofiyo, wax alla wixii Ilaahay xaaraantinimeeyay sida beenta, dhaca, dilka, xushmad la'aanta qofka, naxariis la'aanta ka liita, tacasubka qabaliga ah, eexda, etc ko dhan ayuu ku sifoobay. Waabuu ka sii darayoo 11 culimo ah oo aan dembi gelin ayuu gawracay oo u hor leh xaakin muslim ah.

  2. Wuxuu mabnuucay ehelkii qoyska iyo arooska isugu iman jiray, taasoo iyana ka soo hor jeedda diinta iyo habka bulsho ee dadka soomaaliyeed.

  3. Waxa sharci ku sheeggiisy dejiyay 5 qof ka badani fasax la'aan inaanay isugu iman karin iyada oo u arkaayay inay xukunkiisa ka soo horjeedaan.

  4. Iyada oo la ogsoon yahay inuu mabnuucay siyaarooyiniii sannad walba loo dhigi jiray sheekhyada qaarkood, haddana ay furnaayeen maqaamyadoodiu [e.g. Sh. Issak].

Markaa waxa cad in nidaamka S. B uu dan gaar ah ku qabay maqaamadaas. Danaha uu S. B maqaamada qaar waa kuwo cad qaarna waa la oddorosi karaa. Waxa cad marka kowaad in Haayadda Nabadsugiddy qaar badan ama dhammaanba ay ku lahayd wakiillo dadka u soo basaasa. Waxa kale oo nidaamku ka mabsuudat sida ay dadku isugu dhiibeen quwad aanay markaa taaban karin, hase yeeshee ay waxwakba ugu dhaafaan QADDAR ALLAH oo ay markaas dadka ay luntay wixii la odhan jiray Feker iyo cilmi, falanqayn iyo baadhis. Taasi nidaamka waxay ka seexisay quwado badan oo ka hor iman lahaa. Hase yeeshee fooxu tusay in xag Allaah laga ridi doono xukunka marka Alle idmo. Sidaa darteed looma baahna in dagaalba lagu qaado nifaamka, taasina waxay noqon kartaa sababta ugu weyn ee nidaamku kaga raallida noqday maqaamada.

Ta kale waxa weeye, inkasta oo nidaamku ku dhawaaqi jiray la dagaalanka qabiilka, hase yeeshee in dadka soomaaliyeed isu tago aad ayuu ula dagaalansanaa, sidaas darteed maqaamadu waxay kala kexeeyeen dadweynihii soomaaliyeed, taasina nidaamka waxay u ahayd meel aan doonayay roob ma igu helay. Sidaas awgeed danaha nidaamka ugu jira waxa lagu soo koobi karaa kuwa kor ku xusan, marka lagu daro qaadka cunistiisa oo maqaamada aad loogu badsado, taasina qofka kaba qaaddo kartida maskaxeed iyo muruqeed. Waxa dhinaca kale maqaamada barbar socday ururkii lagu tilmaami jiray waxdadda oo ahaa barasho hagaagsan oo diinta ah. Inkasta oo ay lug ku lahayd iyada lafteeda siyaasad.

Waxa dhab ah in Waxdadda nidaamka Siyaad Barre ka soo hor jeeday tan iyo bilawgeedii isaga oo u arkaayay urur siyaasadi ku dahsoon tahay oo khatar ku ah nidaamkiisa. Waxa asbaab looga dhigi karaa diidmadiisaa:

  1. Isaga oo marwalba tuhmaayay in dad qarsooni ka dambeeyaan Waxdadda gaar ahaan Ururka Muslim Brotherhood ee ka furan dalal badan oo carbeed iyo muslim ah.

  2. Wuxuu u arkaayay inay Waxdaddu tahay diidmo xukunkiisa AROTEST ah.

  3. Barashada diinta uma arkaynin mid uu isagu ku lug leeyahay, sidaas awgeed waxa marwalba u muuqatay kumannaan dhalinyaro ah oo aanu gacanta ku haysanin khatartooda inay leeyihiin.

Waxa la ogsoon yahay inuu dagaal ku qaaday ururkaas iyada oo uu isticmaalay tabaha kala geddisan ee hoos ku qoran:

  1. Xadhig iyo xabsi loo taxaabay boqollaal arday ah oo laga qabqabtay dugsiyada iyo masaajiddada.

  2. Ka been sheeg iyo dacaayad ah inay faasiqiin yihiin ee aan run ka ahayn dhaqanka Islaamiga ah ee gaar ahaan hablaha ka muuqday marka la eego lebbiskooda xushmadda leh.

  3. Ka been sheeg sida ku dhex abuurid qaar aan run ahaan ku jirin Waxdadda oo yidhaahda: aabbahay waysada waa iga jebin karaa iyo aabbahay iyo hooyaday meher sharci ah oo hagaagsan iskuma qabaan ee waabin dib loogu celiyaa meher cusub.

  4. Abuurid xero kala duwan sida ta Maxamed Rabiic oo ah heyad dawladdu abuurtay oo hubaysan miisaaniyad gaarana leh, laguna tilmaamo xer fidinaysa diinta Islaamka, hase yeeshee hayad NSS ka tirsan.

  5. Dhammaan Imaamada masaajiddada oo lagu amro inay xidhaan albaabada masaajidka salaadda ka dib si aan duruus diini ah loogu marsan, ama si toos ah inay weeraraan Waxdadda.

  6. Wadaaddi dhuuni raac ah oo dadka ka dhaadhiciya ama foof daran habaabiya, sida kuwii ansixiyay dilka wadaaddada ee cunay axankoodii.

Waxa halkaas ka muuqata in S. B iyo nidaamkiisu aad u hoojinayeen maqaamada iyo xero qaarbah isla markaana ay la dagaalamayeen korodhsiga aqoon diineedda. Macnuhu maaha inaan maqaamada diin laga korodhsan hase yeeshee waxa badan shalaad iyo qasaa'id iyo riyo iyo ishaaro ka warran aan marnaba qofku ku korodhsanayn aqoon diineed, hase yeeshee loogu talogalay in qofka maskaxda lagaga hantiyo. Tusaale marka aan u qaadanno habka loogaga dhaqmo maqaamada qaarkood waxa ay ka siman yihiin:

  1. Soojeed habeennimo iyo qaad cunid joogto ah, taasoo keenta caafimaad xumo, qofkii oo shaqada gudan kari waaya iyo kadhixid joogto ah oo xaaska iyo cauurta.

  2. Sare u qaadid mansilada sheekh iyo weliga maqaamka loogu magac daray oo la gaadhsiiyo heer lagu tilmaami karo shirki.

  3. Riyo joogto ah oo loo nisbaynayo in muriidka maqaanku in sheekh riyo ama manaab ugu yimi uu sheegay wax markaa uu og yahay in dadku wada jecel yahay ama u hilloobayaan sida in nidaamka Afweyne ay u dhammaatay oo xaga samada uu ka dhacay.

  4. Waxa duruusta u horraysa ee qofka cusub laha dhaadhicinayo ka mid ah inaanu beddeli karin sheekh iyo weliga uu maqaamkiisa fadhiisto oo ay xaaraan tahay. Taasoo inta badan aan dhicin waxa yeelay marka horeba qoloqolo ahaa maqaamada loo furtaa.

  5. Si isdabajoog ah oo qasaa'id iyo madxi loo tirinayo weliga maqaamka leh oo ay ka mid yihiin tusaale ahaan "adiga mooyee cid kale oo Ilaahay iiga shafeeco qaada ma lihi" iwm.

  6. Inaan marnaba mawduuc ka baxsan arrimahaas kor ku xusan aan lagu soo qaadi karin, sida dhibaatooyinka dalka yaalla oo markiiba la afsaarayo, iyada oo la leeyahay waa hawl duniyeed ee ka bax.

Taas macnaheedu maaha in kulli sidaa ay ka siman yihiin waxaan se tusaale hagaagsan u soo qaadan karaa xerta Sh. Nuur Xuseen ee Jilib oo si toos ah uga duwan kuwa aan kor ku tilmaamay. Waxa astaan u ah:

  1. Waxa si joogto ah loogu bartaa diinta Islaamka iyo sunnada rasuulka.

  2. Hab nololeedka Xerta waa mid ku salaysan Communalism ama wada noolaansho bulsho ee ku salaysan caddaalad ijtimaaci ah.

  3. Dadka oo lagu dhiirri geliyo waxsoosaarka oo leh beero, xoolo ay ku noolaadaan xertu.

  4. In aad loo tixgeliyo xuquuqda xaas walba, gaar ahaan xuquuqda haweenka.

  5. Waxa dhaqaalaha soo gala xerta loogu isticmaalo sare u qaadidda hab nololeedka dadweynaha xerta sida guryo, beero iyo electricity.

  6. Sheekh Abdi Sh Nur oo muriidka ah ma sheegto awood dheeraad ah oo Ilaahay ku mannaystay, hase yeeshee waxa uu ku dhiirrigeliyaa dadka u yimaadda ee muraadka leh inay si toos ah Ilaahay u baryaan in muraadkooda san Ilaahay u qumiyo.

  7. Waxa ka xaaraan ah xerta kalaqaybsanaan ku salaysan qabyaalad ama dariiqo Islaami ah sida Qaadiriyo, Axmadiyo, iwm.

  8. Ma aha khasab in qofkii yimaadda ee muraad u soo yeesha sheekha in uu ku soo talogalo Ajuuro, waxa se khasab ah in muddada qofkaasi ama dadkaasi ay joogaan la martigeliyo si habsana loo soo dhaweeyo.

Waxa kale oo la mid ah inkasta oo aannaan arag Iskaashatada Ceelbardaalle ee Sheekh Moh'd oo iyaduna faa'iidooyinka dhaqaale ee ay u keentay dadka ku nool Iskaashatada, hase yeeshee waxay waxtartay dhaqaalaha gobolka iyo dalka. Waxa isla markaana dalka Soomaaliya ka socotay raadin dadku u raadiyaan xuluul iyo jawaabo saxan oo ay u helaan dhibaatooyinka ka taagan dalka soomaaliyeed. Markii dad badani waayeen xuluul toos ah ayaa waxa loo baydhay xagga diinta oo markaas qofku ka helayay deggenaansho ruuxi ah iyo kalsooni uu ka hrlay Allaah aamminnimada. Waxaana dadkaasi qanaacad ku gaadheen in dhibaatada siyaasiga ah, dagaal iyo ta bulshaba ay u sal tahay ka fogaanshaha mujtamacu ka fogaaday diinta iyo sunnada. Waxa in badan dadka qaarkii ku celceliyay: Hantigoosi iyo Hantiwadaag oo ah labada hab ee adduunka lagaga dhaqmaaba inay Soomaaliya ku fashilmeen. Sidaas darteed waxa xalka keliya ee jiraa yahay, iyada oo Islaamka laga dhigo saldhigga xukunka Soomaaliya. Dadkaasi waxay u badnaayeen dad ama dalka ka baxay oo degay Sucuudi Careebiya iyo Gacanka ama dad muddo dheer xabsi ku jiray kuna bartay diinta xabsiga dhexdiisa.

SNM & Sufism:

Wakhtigga arrintaasi soo shaac baxday waxay ahayd wakhtigii ay muuqatay in xukunku soo liicay, rukunnadii uu ku taagnaana ay ruxmayaan. Wakhti dadweynuhu ku qancay in nidaamka Siyaad Barre xaqiiqadiisu ka duwan tahay waxyaabaha uu ku andacoonayo. Waxa muuqatay in xukunku yahay mid ku salaysan qabyaalad, kelitalisnimo iyo cadaadis gaar u ah dadweynaha Soomaaliyeed ee aan Siyaad Barre la qabiil ahayn. Waxa niyad jab weyn ku noqotay dadweynaha Soomaaliyeed dagaalkii S. B uu ku qaadat Itoobiya oo khasaare laxaad leh u gaystay Soomaaliya xag dhaqaale iyo dhimasho dad.

Waxa inqilaabkii la isku dayay 9kii April 1978 dhiciseeyay diidmo guud oo nidaamka ka soo horjeeday oo ka dhalatay ciidamadii soo jabay ee Soomaaliya. Tallaabooyinkii nidaamka S. B uu qaaday afgembigaas dabadeed ayaa waxa si cad S. B shaaca uga qaaday in qabiilkiisu yahay ka leh dawladnimada. Waxa dad badani ka cadhoodeen saraakiishii ciidamada ee habka qabaliga ah looga eryay shaqada. Waxa kale oo soo if baxday in dabaqad ka lacagaysatay dagaalkii oo dhammaan ah qoyska S. B iyo qaraabadiisa. 1978ka badhtankiisii waxa bilawday dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ah ee haatan jira SSDF iyo SNM.

Waxa aad u kala duwan habka mid waliba ku samaysmay oo saldhigna u noqon kara sababaha ugu waaweyn ee ilaa hadda labada urur u midoobi waayeen. Wax qarsoon ma aha in ururka SSDF ka dhashay inqilaabkii dhicisoobay ee 9 April 1978 oo rag ka mid ah madaxdiisii ay debedda dalka uga baxeen aasaaseenna ururkii SSF markii danbrna u koray SSDF. Hase yeeshee dhismaha iyo kudhawaaqidda SNM waa ka duwanaa abuuritaanka SSF. Waxa dhismaha SNM loo kala qaadi karaa abaabulka gudaha iyo abaabulka debedda.

ABAABULKA GUDAHA:

Markii abaabulka mucaaraddadu bilawday waxa lagamamaarmaan noqotay in ay ku salaysnaato Gobolgobol iyo qabiil. Sidaa darteed waxa bilaabay abaabulka siyaasiyiin hore iyo aqoonyahanno ka baxay dalka muddadii xukunka S. B haystay. Waxa aragtidooda aasaasi u ahaa laba arrin oo kala ah:

  1. In waqooyi dulman yahay oo si gaar ah cadaadis dheeraad ahi u saaran yahay.

  2. In diinta Islaamka saldhig u noqoto dhaqdhaqaaqa mucaaradka ah re S. B ka soo horjeeda.

  3. In dhammaan dadka gudigiisa ka shaqeeyaa ay u dhaqeeyaan Afweyne oo markaa aan loo baahnayn gaar ahaan kuwa dawladda ku jira.

  4. Cadawga waqooyigu waa koonfur oo dhan, waxaanay dhaceen dawladnimadii. Sidaa darteed xalku waa waqooyi oo laga jaro dalka intiisa kale.

Waxaase waxwalba ka darnaa wax barnaamij siyaasi ah ama dhisme iyo sharci hoosaad ah oo ay diyaariyeen oo aan jirin. Isla markaas waxa aanay soo dhigin tasawurka ku salaysan Islaamiga ee ka jawaabaya mashaakilka siyaasiga, dhaqandhaqaale iyo bulsho ee ka taagan dalka Soomaaliya. Waxayse culays saareen laba arrin oo keliya:

  1. Dhismaha ururka oo hab qabali ah ay u dhammaystireen, iyada oo ahmiyadda la saarayo in la helo qof reer hebel ah oo u doo banbaxa halganka, laakiin aan loo regin baahida shaqo ee loo qabo ama qofku inta uu aamminsan yahay halganka.

  2. In la abuuro ilo dhaqaalr oo lagu socodsiiyo ururka. Dhaqaaluhu wuxuu kale oo ahaa tacwiidi la siinayay dadkii shaqada laga saaray si ay halganka ugu biiraan hoggaamintiisa.

Muddo badan waxa debedda ka socday muran ah, habkee loola dagaalamaa S. B iyo ujeeddada siyaasaddeed waxay tahay.

Dhammaad.