Sidee bay Dimuqraadiyaddu u dhimataa?

Sidee Dimuqraadiyaddu u Dhimataa?

MAQAALLO

9/21/20232 min read

Dunida Maraykanka afartii sannadood ee Taraam ka talinayay wax aad u badan bay ku baraarujisay, buugaag door ahna waa laga qoray. Buugaagta muddada xukunkii Taraam ka dhashay waxa ka mid ah buuggan oo la yidhaahdo "Sidee bay Dimuqraadiyaddu u dhimataa?" Waxa aynu naqaannaa hab keli ah oo dimuqraadiyaddu u dhimato, kaas oo ah in talada xoog ama afgembi lagula wareego. Dunidu habkaas bay muddo badan u taqaannay in dimuqraadiyaddu ku dhimato. Hordhaca buugga sida uu ka warramayo, waagii dagaalkii qaboobaa, afgembiyadu waxay galaafteen afar meelood, saddex meellood dimuqraadiyaddii dalalka. Waxaana qaab noocaas ah u dhintay dimuqraadiyaddii dalalka Argentine, Brazil, Ghana, Giriigga, Guatemala, Nigeria, Pakistan, Peru, Thailand, Turkiga, iyo Uruguay. Dhawaanna afgembi militari ayaa taladii lagaga wareejiyay madaxweynihii Masar Xusbi Mursi sannadkii 2013kii iyo Raysal Wasaarihii Thailand Yingluck Shinawatra sanadkii 2014kii. Intaas oo dalba dimuqraadiyaddu waxay u dhimatay hab isku mid ah, kaas oo ah awood iyo jujuub ciidan.

Haddaba, waxa jira hab kale oo dimuqraadiyaddu u dhimato oo aan ahayn inay ku go'do gacmaha jenerraalada; inkasta oo uu ka xamaasad yar yahay kaa hore, laakiin waa la waxyeello. Waxay ku dhimataa gacmaha hoggaamiyayaal iyo raysalwasaarayaal hannaanka doorashada xukunka ku yimaadda oo dabadeed xididdada u siiba isla hannaankii ay awoodda ku yimaaddeen. Qaarkood si dhaqso leh ayay u burburiyaan dimuqraadiyadda sidii Hitler oo kale sannadkii 1933kii. Inta badan se dimuqraadiyaddu waxay u dhimataa si hoose oo qunyarqunyar ah oo ay adag tahay in la arkaa. Kelitalisnimada qayaxan - ha noqoto faashiisnimada, shuuciyadda ama mid milatari - way ka dhammaatay inta badan dunida, waana dhif iyo naadir afgembiyada iyo hababka kale ee awoodda lagu qabsadaa. Dalalka dunida badankoodu waxa ka dhaca doorashooyin. Haddana dimuqraadiyaddu way ku dhimataa, waxaanay u go'daa si kale.

Ka dib dhammaadkii dagaalkii qaboobaa, dimuqraadiyaddu kuma dhimanayn oo keliya gacmaha saraakiisha ciidan, balse waxay ku dhimanaysay kuwa hoggaamiyayaasha la soo doortay. Si la mid sidii Venezuela, madax la soo doortay ayaa xiddada u siibay haayaddihii dimuqraadiyaddeed ee dalalka Georgia, Hungary, Nicaragua, Peru, Philippines, Poland, Russia, Sri Lanka, Turkiga, iyo Ukraine.

Burburka ku yimaadda dimuqraadiyaddu, iminka wuxuu ka bilaabmaa sanduuqa codaynta. Habka codaynta ee keena dhimashada dimuqraadiyadduna waa mid maldahan. Afgembiyada, sida kii Pinochet ee dalka Chile, dimuqraadiyaddu si dhaqso ah oo cid walba u muuqata ayay u burburtaa. Qasriga madaxtooyada ayaa la gubaa, madaxweynaha ayaa la dilaa ama la xidhaa amaba la masaafuriyaa. Waxaana ayaa la laalaa dastuurka dalka. Intaas oo dhami ma dhacaan habka doorashada. Ma jiraan taangiyo aad ku arkaysid waddooyinka. Dastuurka iyo hay’adaha kale ee ku magacaaban dimuqraadiyaddu way jiraan. Dadku wuu codeeyaa. Kelitaliyayaasha doorashooyinka ku yimaaddaa magaca dimuqraadiyadda way sii adeegsadaan, balse waxay dilaan nururkeeda.

Tallaabooyinka xukuumadaha la doortay ku mijo xaabiyaan dimuqraadiyaddu, badankoodu waa kuwo weji sharci leh. Waxa ay maraan oo laga ansixiyaa golayaasha sharcidejinta ama waxa aqbala maxkamadaha. Waxaana loo ekaysiiyaa dedaallo lagu horumarinayo dimuqraadiyadda oo lagaga dhigayo garsoorka mid waxtar leh, lagula dagaalamayo musuqmaasuqa ama lagu nadiifinayo hannaanka doorashooyinka.

Wargeysyadu way soo baxaan, balse waa la laaluushaa ama waa loo hanjabaa si ay iyagu isu faaf reebaan. Muwaaddiniintuna way dhaliili karaan dawladda balse waxay waajahaan cashuurro ama tallaabooyin kale oo sharci. Tani waxaay bulshada ka dhex abuurtaa jaahwareer, mana fahmaan waxa socda. Bal e, qaar badan ayaa sii aamminsan inay ku nool yihiin dal dimuqraaddi ah. Maadaama aanu afgembi dhicin, la soo rogin xeer ciidan (marital law), ama aan la laallin dastuurka- kuwaas oo haddii ay dhacaan dabcan uu talisku si muuqata khadkii casaa uga gubi lahaaa oo u gudbi lahaa keligitalisnimo qayaxan, shacabku ma baraarugo. Kuwa dawladda ku dhaliila inay tacaddi samaynayso waxa lagu tilmaamaa inay buunbuuninayaan. Carro-guurka ku socda dimuqraadiyadda, dad badani ma arkaan.