Sababa Burburka Dawladeed: halista Somaliland

MAQAALLO

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

10/7/20238 min read

Maraaxilkii koritaanka bani aadanka soo maray ee kala danbeeyay, waxaa ugu danbaysay marxaladda dawladnimada. Waxaana ka horreeyay laba marxaladood oo kala ahaa: marxaladdii bilawga oo loo yaqaanno “Bulsho Kooxo ah” (Band Level Societies), ama “Ugaarsato-Qaraabato (Hunters-gatherers)," ay noloshu u ahayd ugaadhsiga iyo qaraabka. Marxaladdii labaad ee taa xigtayna waxa ay ahayd "Bulsho Qabaliya (Tribal Level Societies)", waxaanay ahaayeen xilli uu qabiilku saldhig u ahaa nolosha siyaasaddeed ee bulshooyinka.

Waqti qiyaas ahaan ku siman ilbaxnimadii Giriigga, xilli ahaan 2400 sano hortood ayay abuurantay garasho falsafadeed oo qeexaysa waxa ay dawladnimadu tahay, gaar ahaan labadii filasoof ee magaca weyn ka tagay, Aristotle iyo Plato. Sidaas oo kale qarniyadii dhexe culimo badan baa maskax geliyay macnaynta dawladnimada, waxa ay ku dhisan tahay iyo sida ugu wanaagsan ee loogu noolaan karo, sida Machiavelli iyo Aquino. Sidaa darteed, dunida maanta caqli iyo cilmi badan uma baahna in la garto dawladnimadu waxa ay ugu fadhido nolosha bani aadanka. Haddii se laga tagi waayo, dawladnimadu waa masuuliyad wadareed ka samaysantay iskaashi bulsho oo ku salaysan maamul iyo maarayn iyo kala danbayn sharci oo bulshadaasi isla fahamtay inay kuwada noolaato, horumarna ku gaadho. Taa darteed, dawladnimadu waa hantida hantida ugu qaalisan ee uu heli karo bashar dhulka guudkiisa saarani, ilaalinteeduna waa waajibka ugu weyn ee uu gudan karo basharkaasi.

Waajibaadka nolosha waajibka dawladnimada ayaa ugu adag: heliddeeda iyo ilaalinteeda, labadaba. Waxaanay yidhaahdaan ummad dawladnimada wax walba u hurta oo keliya ayaa dawlad u qalanta. Kolka se aan wacyiga ummadi gaadhsiisnayn, oo aanay garaad iyo garasho midna u lahayn baadidoonkeeda, marka ay heshana dhismaheeda iyo jiritaankeeda dhabta ah u wada joogin, dawladnimadu macne buuran ama wax macne ahba midna ma yeelanayso. Waa ta Abwaan Hadraawi (AHUN) ku soo ururiyay labada beyd ee gabaygiisa Gudgude ku jira ee uu leeyahay “Kol haddaan garaad loo lahayn wayska gubataa,” ka kalena uu yidhi “Geedkeed ba’ waa sixir haddaan garasho liilayn.”

Bulshooyinka dawladnimada u leh garashadu si ay u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo korinta dawladnimada, waxa ay dajiyeen aqoono baaxad leh iyo falsafado lagu baadho dawladnimada, maamulka, sharciga, caddaaladda, akhlaaqda, culuunta bulshada, culuunta nafsiga, culuunta nafsiyadda bulsheed, taariikhda, dhaqaalaha iyo qorshaynta. Dabadeed maanta waxaa kaydsan culuun baaxad leh oo dawladnimada ku saabsan (the history of political thought). Waxaa degsan oo la bartaa maaddooyin ay ka mid yihiin political philosophy, moral philosophy, social philosophy, legal philosophy, economic philosophy iyo aqoono kale oo loo adeegsado helista habka ugu suubban ee bulsho ku wada noolaan karto danta guudna ku wada maamulan karto, kuwaas oo dhammaantood isugu biyo shubta suuragelinta dhaqan wanaag dawladeed iyo habsami nolol-bulsheed. Aqoonahaas oo dhanna waxaa asal looga dhigay qaacidada ah "the common good" - Sareedo loo dhan yahay.

Aqoonahaa iyo falsafadahaa lagu wanaajinayo ama lagu dhisayo dawladnimada iyo nolosha bulshada arrimaha ay sida weyn u daraaseeyeen waxa ka mid ah cudurrada ku dhaca dawladnimada iyo sababaha burburin kara. Waxaanu leeyahay cilmiga la yidhaahdo "Cilmiga Bulshada" oo ka mid ah qawaanniinta goonnida ah ee uu leeyahay qaanuunka la yidhaahdo "soo ifbixidda koritaanka iyo dumitaanka dawladnimada", ama "soo ifbaxa dhalasho iyo dhimasho ee dawladnimada." Waxaanu qaanuunkaasi ina barayaa in dawladuhu dhintaan, tabta bani aadanka. Cabdiraxmaan Ibnu Khalduun oo dhashay sannadkii 1332 ayaa ka mid ahaa raggii garashada badnaa ee macnaha dawladnimada aad u kala dhigdhigay si ballaadhanna uga hadlay burburka dawladeed sababihiisa.

Sida uu Cabdiraxmaan Ibnu Khalduun ku tilmaamay buuggiisa caanka ah ee ‘al Muqaddimah’ dawladuhu waxa ay leeyihiin cimri tabta bani aadanka, marka waqtigoodu dhammaadana way dumaan ama baaba’aan. Isla markaana ummad kale ayaa u hadha oo dhaxasha. Waxaanu Ibnu Khalduun tilmaamay isaga oo kaashanaya khibraddiisa iyo waaya-aragnimadiisa in dawladda cimrigeedu yahay celcelis ahaan ilaa saddex fac oo uu ku qiyaasay 120 sano, fac kasta waxa uu siiyay tilmaamo gaar ah. Waxaanu tilmaamay; ‘ inay dawladnimadu marto heerar iyo marxalado kala duwan ilaa uu ku gebagebeeyay faca u danbeeyaa in uu yahay; mid is dhigta, isla markaana ku talaxtaga daba orodka dhaldhalaalka adduunyada, si weynna aan isaga xilsaarin ilaalinta mulkigii iyo magicii awooweyaashood, isla markaana facani sabab u noqdo suulidda dawladnimadooda.

Haddaba, dhimashada iyo baaba'a dawladuhu wax iska yimaadda ma aha si iskood ahna uma dumaan, balse waxa jira sababo taa kellifa ama keena oo la yidhaahdo "sababaha dhimashada iyo baaba'a dawladda". Sababahaasi way badan yihiin, balse iyada oo aan qabo in dhammaantood la innaga soo dhex helayo, haddana waxa uu qoraalkani dul istaagayaa lix ka mid ah sababaha ay dawladuhu u dhintaan.

Lix sababood oo ka mid ah kuwa soo dedejiya dhimashada dawladeed:

1. Asaaskii hore ee dawladda oo jilicsanaa:

Kolka dawladda aasaaskeedii hore uu jilicsan yahay waxa yimaadda inay u nuglaato cudurrada gala dawladnimada, kuwaas oo ka mamnuuca inay xoogaysato dawladnimadaasi. Waa haddii aanay bilawgaa hore aanay helin dawladnimaasi cid ka badbaadisa halisahaas. Ciddaasina waxay noqon kartaa hoggaamiye dhab ah oo marxaladdaa bilawga ah rukunno adag u taaga. Waayo, hoggaamintu waxay leedahay muhiimad weyn kolka marxaladda hore ee dhismaha dowladnimada la joogo. Wuxuu yidhi Montesquieu: “bilawga, dhalashada iyo dhismaha ummadduhu waa hoggaamiyaha oo qaabeeya ama dhisa hay’adaha, ka dibna hay`adahaas ayaa noqda kuwa soo saara ee qaabeeya hoggaamiyayaasha cusub(1)”.

Ibnu Khalduunna waxa uu tilmaamay inay dawlad waliba leedahay is-ahaansho ‘Casabiyad’ ay ku dhaadato oo ay ilaashato kana difaacdo wax walba; ha ahaato mid nasab, mid diineed ama mid qowmiyadeed. Waxa uu yidhi: ‘haddii asaaskii hore ee dawladaasi ahaa mid taag daran, dawladdaas waxaa u soo degdega in ay burburto’.

2. Kelitalisnimo:

Kelitasnimadu waa "talada dawladda oo dhan oo gacanta u gasha hal qof". Waxaa kale oo "kelitalis" noqon kara talada dawladda oo gacanta u gasha koox dad ah oo danteeda isu oggol. Waxa ay sababtaa cabudhin iyo cadaadis marba marka ka danbeeya sii kordha, madaxa dawladdana waxa uu siiyaa islaweyni iyo kibir xad-dhaaf ah. Waxa uu u qaataa in uu isagu leeyahay dalka iyo waxa dul saaranba. Waxa uu ku kedsoomaa awooddiisa, ilaa uu ka gaadho ama sheegto meel halis ah. Waxaa kale oo uu abuuraa cidhiidhi fikir, waxa uu xakameeyaa xorriyada, shakhsiga ah iyo ta bulshadaba, aakhirkana waxa laga dhaxlaa in ay soo baxdo bulsho tayo xun, taas oo ay ku qaadato waqti dheer in ay samayso isbeddel togan (wanaagsan).

3. Dulmiga:

Caqli iyo cilmi badan uma baahna in la garto caddaaladdu inay tahay asaaska jiritaanka ummadeed; la'aanteedna aanay bulsho jiri karin. Caddaaladdana waxa ka soo hor jeeda dulmiga, gaboodfalka iyo caddaalad-darrada kuwaas oo haddii ay nolosha bulsho dawladeed galaan soo dedejiyaan baaba’a dawladnimo. Waayo dulmigu waa waxa keena balaayo kasta oo dad ka dhex dhacda.

Sida uu Ibnu Khalduun ku sheegay buuggiisana, dulmigu waa dige iyo digniin burbur. Waxaana buuggiisa ku jira fasal uu cinwaan uga dhigay "dulmigu wuxuu soo dedejiyaa burburka." Ibnu Khalduun isaga oo ka hadlaya dulmigu inuu dawladaha burburiyo waxa uu buuggiisa "Alcibar" ku daray cutub uu u bixiyay, “Cadaaladdarradu waxay calaamad u tahay burburka” Waxaanu sheegay in dulmiga dadka talada ummadda haya iyo dawladdu ku kacaan uu horseedo burburka dalka, iyo khalkhal bulsho.

Haddaba, dulmigu ma aha, sida aynnu u naqaanno, xadhigga iyo tacaddiga qof iyo qofaf lagula kaco oo keliya. Wuu ka ballaadhan yahay intaa. Dhaca iyo boobka hantida guud iyo ta gaarka ah oo aan loo aabbo yeelin, inta xoogga badan oo ku tumata inta tabarta yar, sharciga iyo garsoorka oo la baalmaro, dhammaantood waa noocyada dulmiga haddii ay baahaanna soo dedejiya burburka dawladeed.

Nebi Muxamed (SCW) isaga oo ka jawaabayey khatarta ay leedahay caddaalad darradu, iyo in sharciga lagu fuliyo inta taagdaran oo keliyi, waxa uu sheegay in cadaalad-darradu ay tahay sababta burburka ummadaha, “Ummadihii idinka horreeyay waxaa burburiyay; marka qof ehlu sharaf ahi wax xado way iska dhaafi jireen, marka mid taagdarani xadana, xukunka ka yaalla (Xadka) ayaa ay ku fulin jireen”

4. Dabagal la’aan:

Waxaa la is wayddiiyaa bulshooyinka qaarkood in ay dawladnimo u qalmaan, iyo xitaa haddii ay dawladnimo helaan in ay mid hagaagsan oo dimuqraadiyad ah heli karaan. Sababtuna waxay tahay, shacbiga ayaan la xisaabtami aqoon dadka talada u haya. Haddaba, marka uu jiro nidaam dabagal oo xisaabtan ku samaynaya qof kasta wixii lagu ogaa, ama loo diray, waxaa la arkaa in dawladaa cududdeedu sii jirto, jiilasha danbana uu gaadho. Waayo, dabagalka iyo isla xisaabtanku waxay shaybaadh u yihiin dawladnimada, waxa lagu ilaaliyaa bedqabka habka dawladeed, waxaanu lagu ilaaliyaa in dastuurkii la raacay oo uu cid walba ka sarreeyo iyo in hawlwadeenkii la doortay sharcigii raaceen shaqadii loo dirayna qabteen. Haddiise aanay jirin ama ay liitaan la-xisaabtanka madaxda iyo mas’uuliyiinta dawladda xilka haya, oo dabarka loo sii daayo waxa ay noqdaan kuwo kibra oo ku xadgudba ummadda ay talada u hayaan, aakhirkana sabab u noqda dumista dawladnimo.

Dabagalka iyo xisaabtanka ma jecla madaxda iyo dadka xilalka hayaa. Cabdalle Nafiisi, oo ka mid ah aqoonyahan aqoonta durugsan u leh fahanka dawladnimada casriga ah, dejinta istiraajiyadaha iyo hagaajinta maamulka dawladeed. Aragtiyaha uu fahanka weyn ka bixiyay waxaa ka mid ah muhiimadda isla xisaabtanka. Waxaanu yidhi: “Isla xisaabtanku waa fikrad aanay jeclayn dadka maamulka ku jira, hase yeeshee waa habka keliya ee lagu hirgelin karo hannaan maamul wanaag oo ka madhan musuqmaasuq iyo xatooyo, waxaana ay suurtagal tahay kolka hantidhowr ka madax bannaan hay’adda fulintu jiro. Inta se isla xisaabtanku dhalanteed yahay waa mar kasta oo maamul xumo, musuq iyo xatooyadu gacan sarrayso.”

5. Musuq Dhaqaale:

Hantidu waa waxa ugu mudan ee ummadi leedahay; waa awoodda ugu muhiimsan ee fududaysa isla markaana kala socodsiisa hawlaha maamul ee qaranka. Hantida ummadda haddii aan laga dhawrin musuqmaasuq iyo xatooyo waxa ay keentaa in dawladdaasi faqiirto dadkeeduna dibudhac iyo baaba’a ay ku danbeeyaan. Dhaqaaluhu waa himilada ummadda. Waxa uu u baahan yahay in lagu kobciyo waxsoosaar iyo shaqo badan. Haddii aan si fiican loo maarayn waxa uu dhaxalsiiyaa ummaddaa in ay noqdaan kuwo isdhigta oo calooshooda oo keli ah ka fekera.

6. Khilaaf iyo talada oo aan lagu heshiin:

Isqabqabsiga iyo talada oo aan lagu heshiin waxa ay sababtaa in ay dawladdaasi daciifto. Taariikhda waxaa ka buuxa dawlado badan oo markii taladoodii guduhu wiiqantay cadowgii dibaddu ka faa’iidaystay.

GUNAANAD:

Soomaalidu guud ahaan waa laangaab oo ma aha umad tiro naf leh dunida guudkeeda ku joogta. Tan iyo intii ay gobonnimada heshayna mushkiladda ugu weyn waxa ay ka haysataa dawladnimada. Waayo marnaba may arag nidaam dawladeed oo taabbagal ah waagii gumaysigu u yimid, waxaa se jiray saldanado yaryar oo aan tamar badan lahayn oo ku koobnaa degaanno gaar ah, sida Saylac, Hobyo iyo Marka. Sidaa darteed afka soomaaliga kuma badna eraybixinta dawladnimada la xidhiidhaa, manay dhaxlin wax fikir iyo falsafad ah oo dawladnimada u qeexa. Taas waxa u weheliya aqoondarro xirfadeed oo ay garan wayday sida dawlad loo maamulo. Muddo aad u dheer oo ay isku dayeen dhismaha dawladnimo dhab ab qaabka muuqda iyo magacyada hay’adaha waa la arkayaa, waxaa se meesha ka maqan nuxurkii qarannimo iyo jiritaankii dawladnimo dhab ah ee ahaa isahaanshaha dadka, dhab ahaan, ku wada abtirsanaya qarannimada.

Dawladnimadan waxaa inoo keenay Ingiriiska, asaguna waxuu ka soo dhaxlay dhaqan-dawladeed laba kun oo sanno ka horreeyay oo ka soo jeeda ilbaxnimadii ama Xadaaraddii ‘’Greeco-Roman Civilization’’. Dawladdii Ingriiska iyo tii Talyaaniga ee la isku daray waxay dhammaatay October 1969 markii Inqilabkii Military xooray distoorkii iyo ha’adihii ku dhisnaa. Maalintaas ka dib dawladnimada soomaalidu waxay ka koobnayd hummaag dawladnimo iyo nuxur awood nin qudha oo huwan magac dawladeed oo qabiilaysan (State Structure with one man power and clannish politics). Dabadeed maanta sida wax loo wado qofka u yara fiirsada waxaa ku dhacaya naxdin, cabsi, murugo, yaqyaqsi iyo xitaa qosolgariir."

Ka dib 32 sanno, dawladnimada Somaliland waxa ku gedaaman haliso badan. Kol kasta oo sida iminka wax yihiin lagu sii socdana waxa loo sii dhawaanayaa burbur iyo baaba'a. Kelida qofeed iyo wadarta bulsho intaba waxa hor yaalla xaqiiqooyin qadhaadh, waxaana cid walba ku jira baqe laga qabo burbur dawladeed. Cudurro iyo haliso badan oo dawladnimada khatar ku ah oo iyada oo halisaha ay leeyihiin la wada ogaa haddana la eeganayay baa natiijooyinkoodii marba marka ka danbaysa soo baxayaan. Waxaana muwaaddin walba u muuqata dalluunta Somaliland ku sii hoobanayso. Haddana, dadka reer Somaliland waxa ka muuqata moogganaan weyn, marxaladaha adag ee la taaban karo waxay xalkooda ka eegayaan meelo soke iyo dhaymo guud. Marka sidaas bulshadu tahay waxaa xaqiiqoobaysa dawladnimada in aan loo bislayn.

Maanta halisaha badan ee Somaliland dhex daaqayso sababahooda ma wada laha bulshada iyo intii 32ka sannadood u talinaysay. Cid keli ah baa leh, waana siyaasiyiinta iyo inta talada ummadda gadhwadeenka ka ah. In badan waxa lagu soo celceliyaa eedaynta qaabdhismeeka bulshada iyo dhaqankeeda oo lagu tilmaamo inay yihiin caqabadda ugu weyn ee hortaagan korinta dawladnimada. Waxaan qabaa kuwa sidaa yidhaahdaa inay guuldarradooda u qiil samaynayaan. Chinua Achebe hadalkeedii gunaanadka ahaa ee ay ka qortay dhibaatada dalka Nayjeeriya waxay tidhi:”dhibaatada taalla dalka Nayjeeriya waa tu gabi ahaanba ku timid guuldarro hogaamineed oo xidhiidh ah(2).

Ugu danbayntii, dhaqan-siyaasadeedka hoggaamiyayaasha talada Somaliland waa isha ugu weyn ee laga dheehan karo sharraxaadda halisaha dawladnimada ku hareeraysan iyo waliba caqabadaha hortaagan dhismaha dawladnimo jiritaan sugan leh. Tan macnaheedu ma aha, in meesha laga saarayo qodobbada kale ee muhiimka ah sida hay’daha iyo hababka dawliga ah kuwaas oo door ku leh saamaynta iyo soo saarista dhaqanka siyaasadeed. Sidaa awgeed, in dadka Somaliland helaan qarannimo jiritaan sugan leh iyo dawladnimo dhab ah waxay ku xidhan tahay sida la isula garto sababaynta halisaha dawladeed ee jira, burburka iyo dhibaatada taagan looguna eego caqli iyo xaqiiqo.

Tixraacyo:

1) Quoted in Danwart A. Rustow, A World of Nations (Washington, D C: Brookings, 1967), 135.

2) Chinua Achebe, the Trouble with Nigeria (Fourth Dimension Publishing Co, 2000), 1.