Ninkii Dayacay, Dedaal iyo Garawsho u Waayay, Ha Imaansado Nasiibkiisa

Blog post description.

MAQAALLO

Guddoomiye Xirsi Cali X Xasan

12/28/20238 min read

๐‡๐š๐ฅ๐›๐ž๐ž๐ ๐ ๐š ๐—๐ข๐ฅ๐ ๐ฎ๐๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š: (Ninkii Dayacay, Dedaal iyo Garawsho u Waayay, Ha Imaansado Nasiibkiisa)

Dawladnimada Somaliland waxaa ay soo jirtay guyaal badan oo gaadha tobonnaan sano oo ay u kala danbeeyeen shan madaxweyne. Intii hore, midkoodna wax u raacayba hal muddo-xileed kama uu badsan, madaxweyne Cigaal mooyaane. Awoodda waa ay ka sinnaayeen balse nin kastaa duruufo u gaar ah iyo fursado uu haystay ayaa jiray. Maqaalkan, waxa aan ku berdaaminayaa halbeegga xilgudashada hoggaamiyaha, mid kastaa intee in leeg ayaa uu shaqadii loo doortay dedaal geliyay? Muxuu dayacay? Mushkiladihii haleelay iyo sababahooda, sida uu u maareeyay iyo ugu danbayn, muxuu dhaxal uga tegay bulshada ee laga xasuustaa?

Xilku waa masuuliyad, qof doonta iyo qof lala doonaba, qofka masuulka ahna sida uu u yimaaddaa bulshada qiimo uma laha mar haddii uu yimid, ee waxa uu uga tegayo ayaa bulshada dhaxal u ah, masuulkana waxaa dheellitir uga baahan hankii iyo damacii riixayay shalay, midhaha laga sugayo iyo xisaabtanka wixii khaldamay, xilkuna waxa uu ka dhammaadaa isagoo gutay ama gabay waajibaadkiisa. Waxaanay labaduba ka siman yihiin in ay sii jeclaystaan sii-joogitaanka xilka, oo midna qurxin iyo xaalxaalkii ayuu doonayaa in uu dhammaystiro, kan kalena goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ayaa uu is yidhaahdaa: โ€œbal inaad wax uun ka gaadhsiiso.โ€ Gaariye ayaa sidan u cabiray:

โ€œWaxaa bir ku gooya talo

markay gondihiisa taal,

Nimaan geesaha ka deyin

adoo wax ka gaws qabsaday,

Marbaa gefka loo liqaa

in aan danta guud murkucanโ€

Waxyaalaha aynnu beegsan doonnaa waxa ay noqon doonaan wixii ku soo kordhay; haykal iyo hannaanka dawladeed, dhaqanka iyo shuruucda, nidaamka dimuquraadiyadda iyo xuquuqaha aasaasiga ah. Amaanka iyo kala danbaynta, dhaqaalaha iyo horumarka. Kuwaas oo halbeegga lagu cabirayaa uu noqon doono: madaxweyne kastaa fursadaha uu haystay, muxuu ka faaโ€™iidaystay ama ka gaabiyay, culaysyada shaqadiisii caqabadda ku ahaa iyo sida uu uga gudbay ama ugu guuldarraystay, meelaha uu ku wacnaa iyo kuwa uu ku liitay, kuwaas oo aynnu barbar dhigaynno waxyaalihii aynnu beegsanaynnay. Iyada oo aynnu u berdaamin doonno sida ugu kooban ee natiijo maangal ah keeni karta, muuqaal ahaanna aan ka baxsanayn qaab maqaal.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ข๐ก๐ข๐ข ๐Ÿ๐š๐š๐: Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) waxa uu gaar la ahaa in uu ku guulaystay saddex tallaabo oo kala ahaa: xorayntii Somaliland, qaybtii 1-aad ee nabadaynta beelihii SNM iyo beelihii ka soo horjeeday oo shirkii Burco ku guddoonsaday nabadda iyo Aasaaskii Somaliland, waxaana uu ahaa madaxweynihii ugu wakhtiga yaraa, oo labo sannadood oo aanu dhammaysan ayaa uu mudo-xileedkiisu ku koobnaa, in kasta oo aanu heerka horumarku kor u socon, haddana waxa uu ku astaysan yahay in uu ahaa Aasaasihii Somaliland. Madaxweynahani, fursadihii si fiican ugama faaโ€™iidaysan, oo culayskii shaqo waxa uu maareeyey wax ka mid ah, waxaanu ku wacnaa in uu ahaa madaxweynaha keliya ee xilkii ka degay una tartamay si caadiya, wixii khaldamayna garasho togan kuma maarayn oo marka la dhaliilayo waxa la yidhaahdaa: khilaafkii siyaasadeed ayaa ku kellifay in uu ka noqdo mawqifkii Somaliland, Ilaahay ha u naxariisto e, waxaa lagu xasuustaa Xorayntii iyo Aasaaskii Somaliland. โ€œHadii aynaan SNM iyo Somaliland wada badbaadin karayn, aan ta weyn badbaadinoโ€ sababaha ugu waaweyn ee waxaa uu ka gaabiyay loo aanayn karaana waa: khilaafkii SNM dhexdooda ahaa ee ay dibadda kala soo galeen, dagaaladii sokeeye iyo kudladdii Calancasta oo laguha qabtay.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ข๐ก๐ข๐ข ๐Ÿ๐š๐š๐: Maxamed X. Ibraahin Cigaal waxa uu gaar la ahaa in uu ku guulaystay, Somaliland oo nabadayn buuxda heshay, aasaaskii ciidamadda kala duwan, dhismihii hayโ€™adaha dawladda, samayntii hannaanka maaliyadda, lacagta shilinka SL iyo baananka, diyaarintii dastuurka iyo qaadista aftida bulshada, hirgelinta dimuquraadiyadda, sida komishinka iyo tartanka ururada siyaasadda iyo in ay u soo gudbaan xisbiyo qaran. Iyadoo oo uu garaafka waxqabadku kor u socday. Waxa uu ku astaysan yahay Aabbihii Somaliland, dadka qaar ayaana isku khalda aasaasaha iyo aabbaha, saxna ma aha, oo waa laba kala duwan. Tusaale ahaan: lammaanuhu iyaga oo aan carruur lahayn oo aan aabbe iyo hooyo noqon, ayaa ay qoyska aasaasaan, ka dibna noqdaan aabbe/hooyo. In kasta oo Cigaal uu ahaa hoggaamiye cabqari ah oo uu dhisay haykalka iyo hannaanka dawaldeed, nidaamka dimuquraadiyadda iyo ammaankaba, haddana waxaa lagu dhaliilaa hannaan aan lahayn isla-xisaabtan iyo in uu wax kasta ka horumarin jiray kursigiisa.

Madax-dhaqameedka waa uu u roonaa oo waa meesha dadka musuqmaasuqa ku dhaliilayaa ay ka soo geliyaan, dhaqaalaha iyo hormarkuna waa uu iska koobnaa balse waxa uu lahaa himilo xooggan iyo higsi fog. Madaxweynahani, fursadihii si fiican ayaa uu uga faaโ€™iidaystay, culayskii shaqo waa uu gutay intii badnayd, waxaanu ku wacnaa hoggaaminta, farshaxanka siyaasadda iyo guud ahaan hannaanka dawladnimada, wixii khaldamayna garasho togan ayaa uu ku maamulay sida xallintii dagaallada sokeeyo iyo khilaafyadii siyaasadeed, waxaana lagu xasuustaa: hannaanka dawladnimo, haybad hoggaamineed iyo himilo wanaagsan: โ€œWaxaa aad arki doontaan Hargeysa oo sida waddamada Khaliijka daaro dhaadheer oo muraayado ahi ay ka dhisanyihiin.โ€ Sababaha ugu waaweynna wixii uu ka gaabiyay waxa loo aanayn karaa; khilaafkii siyaasadeed, dhaqaalaha oo yaraa iyo dawladnimadda oo socod-barad ahayd.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ข๐ก๐ข๐ข ๐Ÿ‘๐š๐š๐: Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu gaar la ahaa in uu ku guulaystay, hirgelinta hannaanka dimuquraadiyadda, bilawga Ictiraaf-raadinta iyo samaynta saaxiibadda Somaliland, hirgelinta xaqiiqo raadintii ururka midnimada Africa, taabogelinta iyo adkaynta hayโ€™adaha nabadgelyada, dib usoo celinta caasimadda gobolka Sool (Laascaanood) bilawga mashruucii JNA iyo maalgelinta madaarka Hargeysa. Iyada oo xawaarihii garaafka waxqabadku gaabinayo ayaa uu noqday madaxweynihii koowaad ee hannaan dimuquraadi ah oo doorasho hal qof iyo hal cod ah lagaga helay ee xilkii sidaa ku wareejiya, waxaanu ku astaysan yahay Aabbihii Dimuquraadiyadda Somaliland. Madaxweynahan iyo Madax-dhaqameedka ma ay kala caban, in kasta oo uu dedaalay oo uu ilaalin jiray ammaanka iyo kobcintii hannaanka dimuquraadiyadda, isaga oo ku beegmay wakhtigii ugu fiicnaa oo uu dhaxlay kursiga isaga oo madaxweyne kuxigeen ah oo uu la socdo wax kastaa meesha uu marayo, haddana dhaqaalaha iyo horumarka wax la taaban karo kuma uu soo kordhin, haykalka dawladeedna waxa uu ku hayay halkii uu ku dhaxlay. Madaxweynahan, fursadihii si fiican ugama faaโ€™iidaysan, oo culayskii shaqo waa uu gutay guud ahaan, waxaanu ku wacnaa dulqaadka, arrimaha nabaddaynta ama nabadda guud ahaan iyo isku wadka bulshada, wixii khaldamayna garasho togan ayaa uu ku maamulay sida dagaalkii ku qabsaday Laascaanood oo aanu ka ficil qaadan ee hab nabadgelyo ah uu ku maareeyay, aakhirkiina gacanta ku qabtay iyada oo aan dhiig ku daadan, waxaana lagu xasuustaa qabashadii doorashooyinka iyo markii laga helay in uu wareejiyay dalkii oo midaysan. โ€œWaxaan kugu wareejinayaa dal midaysan iyo dad midaysan.โ€ Sababaha ugu waaweyn wixii ka gaabiyay waxa loo aanayn karaa; mucaaradad xooggan oo kaga timid Golaha Wakiillada iyo xisbiyada mucaaradka.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ข๐ก๐ข๐ข ๐Ÿ’๐š๐š๐: Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu la gaar ahaa in uu ku guulaystay, dhismaha iyo horumarinta xafiisyada dawladda, dhismaha iyo horumarinta jidadka, madaaradda iyo ballaadhinta dekedda Berbera, beddelistii lacagtii giimbaarta ahayd iyo shilinka Somalialnd oo dalka oo dhan uu gaadhsiiyay, dib u-furista urruradda siyaasadda, kordhinta musharka ciidamadda iyo shaqaalaha, bixinta derejada ciidamada, kobcinta cilaaqaadka Somaliland iyo waddamadda Carabta, furista wada-hadallada Somaliland iyo Soomaliya, dardagelinta Ictiraaf-raadinta Somaliland, samaynta mashariicda Somaliland Development Fund iyo Somaliland Special Arragement, horumarinta dhaqaalaha. Iyada oo xawaaraha garaafka waxqabadku uu si weyn kor ugu socdo, ayaa uu noqday madaxweynihii koowaad ee xisbigiisu mar labaad ku guulaysto doorashada oo uu bedelay madaxweyne xisbigiisa ka soo jeeda. Waxaanu ku astaysan yahay: Madaxweynihii Horumarka. Madaxweynahani waxa uu wax ku kordhiyay haykalkii iyo hannaankii dawladeed, hannaankii dimuqraadiyadda, ammaanka iyada oo uu dhaqaalaha iyo horumarkana si laxaad leh u taabbogeliyay, in kasta oo aanu Cigaal ku gaadhayn dhinaca madax-dhaqameedka, haddana xukuumaddan oo aan ka mid ahaa waxaa lagu dhaliili jiray, bixinta xoolaha dawladdu in uu ku badnaa, waana halka ay dadka dhaliilayaa kaga duri jireen musuqmaasuqa. Sidoo kale, โ€œwaa dawlad aan wada soconโ€ โ€œciyaal iyo guurti bilaa shaarubo ah ayaa u talisanaโ€ way odhan jireen. Shacbigu qiimayntiisa xaq buu u leeyahay, Gaarriye ayaa sidan u cabiray garqaadka bulshada:

Gegaa lagu dheelayaa,

shacbigu ka garsoore yahay

Waxaa guul sheegan kara,

cidii ay u gartaan iyagu.

Madaxweynahani, fursadihii si fiican ayaa uu uga faaโ€™iidaystay, culayskii shaqo waa uu gutay ilaa xad intii awooddiisa ahayd, waxaanu ku wacnaa hoggaaminta, doodaha, hal-abuurka iyo aragtiyaha siyaasaadda oo uu waxyaalo cusub ku tallaabsaday iyo arrimo culus oo uu daahfuray. Wixii khaldamayna garasho togan ayaa uu ku maamulay sida, shiqaaqooyinkii iyo dhammaan khilaafyadii siyaasadeed, waxaana lagu xasuustaa, calool wanaag, dalkii oo horumar u jahaystay, dhaqaalaha oo kobcay iyo xisbigiisii oo mar labaad ku guulaytay talada. โ€œOdayaal ayaa la dhaqdhaqaajiyayโ€ โ€œSomaliland waxay soo martay maalmo fulaygu shakiyay.โ€ Waxaana ugu weyn oo wixii uu ka gaabiyayna loo aanayn karaa, madaxweyaha oo kursiga yimid xilli uu waayeelay.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ“๐š๐š๐: ee hada jooga, Muuse Biixi Cabdi, waxaa u qabsoomay ilaa hada, sii-socodsiinta qaar ka mid ah mashaariicdii socotay ee xukuumaddii Siilaanyo ku wareejisay, sida waddooyinka Ceerigaabo iyo Berbera Corridor, oo weli socda iwm, doorashadii isa-saarka ahayd ee golaha degaanka iyo baarlamaanka iyo mashruuca Shaqo Qaran, wax hirgalay intan uun ayaa loo hayaa ilaa hadda. Waxaana uu la wareegay dal cagaha saaray dhabbihii horumarka oo koboca dhaqaale kor u socdo oo ay bilaabmeen maalgashiyo shisheeye, sida shirkadaha DP World, Genal oo qodistii shidaalka bilaabaysay sanduuqii horumarinta Somaliland ee SDF oo lacagi ka buuxday iyo hannaanka Somaliland Special Arrangement oo loo qoondeeyay in mucaawinooyinka lagu soo gaadhsiiyo Somaliland iyada oo aan Soomaaliya farogelin ku lahayn.

Dhammaan intaa aynnu soo sheegnay waa ay istaageen marka laga reebo kan DP World, iskabadaa wax ay ku soo kordhisay xukuumaddiisu halbeegyadii aynnu kor ku soo sheegnay e, balse dib u-dhacyo waaweyn ayaa dhacay oo ay ka mid yihiin; dagaallo ay kummanaan waxna ku dhinteen waxana ku naafoobeen iyo tiriadii ugu badnayd abid oo is-deldesha duruufaha ay la soo dersay darteed, hannaankii dimuquraadiyadda oo hagaasay iyo tacaddiyo waaweyn oo dalka ka dhacay, iyo tiradii ugu badnayd ee mudaharaad ku dhimata oo suuqyada lagu laayay, oo dad tobonnaan ahi dhinteen, boqollaal kalana dhaawacmeen.

Waxa intaa dheer, gobollada Sool iyo qayb Sanaag ka mid ah oo gacanta Somaliland ka baxay, waxaana ka sii weyn, ciidankii qaranka oo jab weyni soo gaadhay iyo haybaddii guud ee Somaliland oo hoos u dhacday. Sidaa oo ay tahay, bulshadii Somaliland oo duruufahaasi haystaan oo weliba aan midaysnayn ayaa uu Madaxweynuhu colaad hor leh u sacabbo tumayaa, waxase ka sii daran isaga oo aan wixii dhacay warbixin ka siin goloyaasha qaranka, bulshada iyo xisbiyadda mucaaradka, ayaa ay haddana ku baaqatay khudbaddii ay ahayd inuu labada gole warbixin ku siiyo iyada oo lagu jiro xaaladdaa xaasaasiga ah iyo durufahaa qalafsan oo ay ahayd wakhtigii talo midnimo lagaga bixi lahaa.

Madaxweynahani, fursadihii si fiican ugama faaโ€™iidaysan, waxaanu ahaa madaxweynihii ugu fursadaha badnaa, shaqadii weli waa uu ku jiraa, waxaana ka mid ah waxyaabaha uu ku wacan yahay in uu madaxtooyadii dadka ka xakameeyey, in uu joojiyay isku-milankii madax-dhaqameedka iyo dawladda, walow uu si tiban u maareeyey halkii uu si togan u maarayn lahaa iyo weliba in aanu qoyskiisa xakamayn oo lagu eedayo in ilaa caruurtiisu ay hayโ€™adihii dawladda ka taliyaan, wixii khaldamayna garasho togan kuma uu maamulin sida, shiqaaqooyinkii dhacay, khilaafkii siyaasadeed iyo gaabinta xidhiidhadii dawladihii Somaliland saaxiibka la ahaa ee ay ka mid yihiin Eithiopia, UAE iyo UK. Waxaa lagu xasuusan doonaa: โ€œFartiina ayaad eedi doontaanโ€ โ€œHaddii aynnu caqligii madaxweynaha ku kala bixi waynnay aynnu caqligeenna ku kala baxnoโ€ โ€œReer Sooloow, Aabbayaashiin ayaan ka adkaan jiray ee waraystaโ€ iwm. Wixii uu ka gaabiyayna waxa u weyn oo loo aanayn karaa, himiladiisa oo kusiga uun ahayd, qorshihiisii oo aanu raacin, dadka la shaqaynaya ama guud ahaanba bulshada madax iyo minjo oo aanu taladda ka qaadan, tanaasul laโ€™aan iyo khilaafyo uu ka baaqsan karayay oo ragaadiyay, sida muranno siyaasadeed, sharci iyo kuwo diineed oo dhawaanahanba la hurinayo.

Ugu dambyn, dawladnimadu waa sharaf ummaddu kuu dhiibatay ee ninkii dayacay, dedaal iyo garashana u waayay, waa in uu aqbalaa nasiibkiisa.

๐†๐ฎ๐ง๐š๐š๐ง๐š๐:

Hadii Madaxweyne Muuse hoggaamintiisa lagu hungoobay, oo madaxdhaqameedkii ay isku liitaan, culimadiina khilaafkooda saxaafadda laga maqlayo, ganacsadii taladoodii uu hore u diiday, mucaaradkiina uu cadaw u yaqaanno, beeshiisiina aanu talo ka dhegaysanayn, goโ€™aankii beesha Habar-jeclo soo jeedisayn ee uu aqbalayna uu maanta ergo kale ka soo daba saarayo oo ganacsatadii uu shalay diiday maanta dib ugu ergeeyay, bal akhristaha ayaa aynnu u deynaynnaa sida uu u qiimaynayo, malaha se Muuse gobonnimada dadka reer Somaliland ayaa uu khalad ka fahmay, oo xikmad carbeed ayaa uu nuxurkeedu ahaa: โ€œhadii aad maamuusto qofka wanaagsan, waad hanataa, hadiise aad maamuusto magaan ama nin liita, islaweyni ayuu ka sii qaadaa.โ€ Waa la gaadhay xilligii ay bulshadu kaa tashan lahayd. Danta qaranka iyo maslaxdda guud ayaana wax kasta ka mudan!

Dharaaraha isbedalayaa waa xujo dhagar qofka u taale,

Dhaxaa nin madax soo ahaa aayar dhaadhacay,

Waxaad dhego adaygtaaba waa dhawr ayaamoode,

Dheelliga nabsigu wuu ku qaban dhiilka buuxsamaye,

Dhiilladatan damiwayday iyo weli dhawaaqaaya,

Bal aan dhawrro dhambaalladay dirteen dhawrqadkiyo madluumku.

๐‘ฟ๐’Š๐’“๐’”๐’Š ๐‘ช๐’‚๐’๐’Š ๐‘ฟ. ๐‘ฟ๐’‚๐’”๐’‚๐’.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.

28-Dec-2023