Maalinta Hooyada adduunka iyo xusuusta hooyaday

.

MAQAALLO

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

5/9/20213 min read

Hooyadu waxa ay u gu jirtaa nolosha halka ay lafdhabartu qofka bani aadanka ah u gu jirto oo kale. La’aanteed nololi ma jiri karto mana jirteen, jirina mayso. Sida qorraxda iyo ilaysku u iftiimiyaan dunida ayay hooyadu u gu tahay iftiin nolosha bani aadanka, la’aanteed na nolosha bani aadanku xaqiiqo ahaan waxay noqonaysaa sidii dunida oo qorrax iyo wax la iftiinsado midna lahayn oo mugdi ah oo kale. Maqaal, buug iyo tiro wax geli kara midna qiimaha, kaalinta iyo doorka ay hooyadu nolosha bani aadanka ku lee dahay la gu ma soo koobi karo.

Sannad kasta bisha shanaad, axadda labaad ayaa dunida loo ga aqoonsaday “Maalinta Hooyada.” Waxa xuska maalintani ii gu soo galay sannadkan (2021) iyada oo hooyaday Foosiya Ibraahin Saleebaan dunida la ga oofsaday. Sannadkii 2016kii maanta oo kale waxa aan joogay dalka Malaysiya caasimaddiisa Kuala Lumpur, halkaa oo aan ka soo duubay muuqaal saddex daqiiqadood ka koobnaa oo Xuska Maalinta Hooyada aan ka ga hadlayay. [linkiga dhig halkan]. Dhab ahaan maanta iyo maalintaa dareenkaygu wuu ka la duwan, iska daa maalintaas e sannadkii hore ee 2020kii iyo sannadkan 2021 ee aynnu bishiisii shanaad ku jirno ayaa duunkayga dareenka ka guuxayaa ka la geddisan yihiin. In ka badan labaatan sannadood, marka la ga jaro dhawr sannadood oo aan waxbarasho dibaddeed ku maqnaa, inta kale waxa aan ka soo ag toosayay hooyaday oo aniga adduun sidiisa u dhammaystiran ii ahayd.

Laba toddobaad ama afar iyo toban maalmood ayuun baa xanuun dabeecad hargab ku soo galay dabadeed fayraska dunida oo dhan taabtay ee Covid19 i su beddelay ay la xanuunsatay. Maalinnimo jimce ah abbaaro sagaalkii subaxnimo, markay toddoba maalmood guriga xanuun dabeecad duray leh la joogtay ayaanu guriga gaadhi ka ga qaadnay, kaas oo aannu cisbitaalka ku gaynay. Jimcahaa jimcihii xigay wakhti goorsheegtu tilmaamaysay 5:10 daqiiqadood ayay naftu si dhib iyo shiddo yar u ga baxday. Saacadihii aan dul taagnaa waxay ii ahaayeen kuwii noloshayda u gu adkaa abid, waanan hubaa daqiiqadahaas oo kale in aanay noloshayda soo mari doonin. Fadhi waan qaban waayay. Joogsina hadalkiisa daa. Sidii qof wax ka lumeen oo hadba meel ka daydayaya ama qof waalan baan marna ka dul kacayay jeer kale na ku soo noqonayay. Waan xejin kari waayay in aan qummaati aniga oo u eegaya dul fadhiyo ama kor taagnaado daqiiqadihii ay naftu sida dhib la’aanta ah u ga gurmaysay.

Geeridu waa xaq. Dhimashadu waa jid bani aadanka oo dhami ku xukuman yahay in uu maro, hayeeshee geerida waalidka, gaar ahaanna hooyadu ma aha geeri keli ah balse waa masiibo weyn oo qofka hooyadii ka horraysaa la kulmayo. Waa xanuun jidh ahaan kuu taabanaya, nafsad ahaanna kuu saamaynaya bal e saamayn weyn inta noloshaada ka dhiman kaa ga tagaya. Hooyo Foosiya Ibraahin Saleebaan (1971-2021) hooyo keliya iimay ahayn balse hooyo booskii aabbanimada na ii buuxisay bay ahayd. Way i dhashay oo duruufo kala duwan oo nololeed nagu soo korisay aniga iyo labada gabdhood ee ila dhashay. Noloshayda, waxbarashadayda, dhaqankayga iyo qofnimo kasta oo wanaagsan oo aan lee yahay ba iyada ayaa i ga dhigtay. Si aad u weyn bay nolosha noo la soo dadaashay sidii aanu dad jira oo waxtar yeesha u noqon lahayn.

Hooyo korriinkayga iyo noloshayda ayaad dadaalkaaga oo dhan ku bixisay. Duruufo adag oo nololeed baad dartayo u soo martay. Waxa aad ii barbaarisay sidii u gu wanaagsanayd, adiga oo doonayay in aad i gu tababarto masuuliyadda ayaad aniga oo yar hawlaha guriga ee aanan waxba ka qaban karin i ga talo galisay. Wax kasta oo ku gu soo kordha ayaad ii sheegtay si aanan aniguna kaa ga la biqin waxa i gu soo kordha. Waan kaa qariyay markaasaad i dareentay mana garanayo sida aad ku ogaatay wax kasta oo ii qarsoon, balse wax aan is moogaysiiyay in aan ahay qayb adiga kaa mid ah. Waxa aad i bartay dad la dhaqanka, dulqaadka, gobonnimada iyo macnaha inaad nolol dhab ah noolaataa lee dahay. Wax aad i tustay inaan cido badan ka maarmi karo. Tan iyo markaan hanaqaaday waad ila talinaysay ii na tusaalaynaysay wax kasta oo caqabad i gu noqon kara sida aan isaga ilaalin karo ama aan u ga gudbi karo. Illaa maalmahaagii nolosha u gu danbeeyay ayaad talo iyo tusaale ba, markasta oo aan kuu imaaddo i siin jirtay. Sababahaas bay geerideedu ii gu tahay nuurkii adduunyada oo la i ga suuliyay. Ilaahay hooyo ha kuu naxariisto, jannooyinkiisa ta u gu qiimaha sarraysa ee Fardowsana ha ku dejiyo.