Maalin aan Booqday Dugsigaygii Hoose

Abdiqani Abdilaahi Aden

6/15/20192 min read

Kolkii aan albaabka weyn ee la ga soo galo ka galay ba, xusuustaydu wax ay I gu celisay waayo-waayo iyo dhawr iyo toban sannadood ka hor. Albaabka aan ka soo galay Dugsiga Hoose Dhexe ee Qudhacdheer, maalin ka mid ah sannad immika la ga joogo sannado badan ayaa iyada oo ay gacanta I hayso hooyaday Foosiya Ibraahin Saleebaan ay I soo gelisay. Xafiiska oo ku beegan ganjeelka weyn ee dugsiga la ga soo galo maalintaa farxad kalamaan soo bixin. Kolkii aannu foodda gelinay ba, Jamaal Aw Cali, maamulihii dugsigu, intaannaan ba fadhiisan in uu buuxo dugsigu ayuu hooyaday u sheegay! Sannadkii sannadkaa xigay, ayaa buugga dugsiga la igu xarriiqay. Uulo ayaa la I qoray. Dugsiga Qudhacdheer kolka aad ka soo gasho ganjeelka weyn, dhanka bidix sekedda kaa qabanaysa, fasalka u gu kooneeya ama sekeddu ba ay ku dhammaato ayaa aan subaxnimo, aniga oo sita afar buug oo afartanlayaal ah soo galay. Subaxdii noloshayda u gu farxadda badnayd ayaa ay subaxdaasi ahayd. Hammuun baan u qabay in aan maalin uun fasal waxbarasho fadhiisto. Sannad ku dhawaadkii aan sugayay in aan fasal wax la gu baranayo fadhiisto oo balcad iyo buugaag goob waxbarasho si maalinle ah u gu sii qaataa wuxuu I la ahaa toban sannadood qof wax sugayay. Sannadkii hore, kolkii dugsigu I ga buuxsamay, sannadkii aan furitaanka dugsiga sugayay hooyaday baa guriga ii gu bilowday in ay ii dhigto maaddooyinka dugsiga la gu qaadan jiray fasalka u gu horreeya, marka la ga tago Af Carabiga oo aanay aqoon. Qalinka sida loo qabsanayo iyo qaabka higgaadda Af Soomaaliga loo qorayo iyo weliba, in aan wax qoran akhriyaa fasalka uulada ee la I qoray ku aan ka filayo in la I gu baro ma ahayn. Markii aan gudaha u galay dugsiga, waxa aan abbaaray fasalkaygii u gu horreeyay ee waxbarasho aan ka bilaabay. Xusuus, bad weyn xusuuso ah ayaa judhiiba aan dhex muquurtay. Waa fasalka aan fadhiyo iyo waayihii ii gu horreeyay dugsi la yimaaddo oo dhawr saacadood la fadhiyo. Macallinkaygii wakhtigaa, waa qofkii ii gu horreeyay ee I gu soo dhacay. Maxamed, waxa la gu naanaysi jiray ‘Garbo’. Sababta naanaystaa loo gu bixiyay, kolka aan maleeyo, sida caadada u ahayd marka uu soconayo ama uu taagan yahay ba garabkiisa bidix ayuu kor u soo qaadi jiray sidii qof wax garabka ka fuulay iska ridaya. Waxa uu subaxdii fasalka u soo qaadan jiray qikoodh noociisu I gu cusbaa, wakhtigaa ka dib na aanan dib u arag. Rikoodhkaas cadceedda ayaa loo dhigi jiray. Wuxuu gadaasha danbe ku lahaa caag la wareejiyo kolka uu dab la’aan u damo. Marka la ga yimaaddo idaacadda subaxnimo ee BBC-da oo uu ka dhegaysan jiray, wuxuu nooga siraadi jiray heeso idaacadda ka soo geli jiray iyo barnaamijyo caruureed sheekooyin ah. Marka la ga yimaaddo macallinkaygii uulada, waxa maskaxdayda ku soo dhacay magacyada ardaydii aannu wakhtigaa wada bilownay dugsiga. Xamda Cismaan, Faadumo Dayib, Naasir, Mukhtaar, Yaxye, ayaa I gu soo dhacay. Berisamaad wacnaaye. Noloshu na xusuusaha caruurnimo u wacanaa.