JIIMNA MA GOD GALAY: 26 dec 20 2021

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

12/26/20211 min read

Goor iyo xilli aanan garanayn ayay naftaydu la jaal noqotay dhegaysiga iyo dhugashada suugaanta, fanka iyo heesaha. Bani aadanka Ilaahay abuuray, intooda u hurtay noloshooda dareengelinta kuwo kale ee fanka ku jiray ama iminka ba ku jira, mid waliba meel gaar ah buu ku wanaagsan yahay. Maansayahanku sida uu u kala maansayahansan yahay ayay u kala maanso wanaagsan yihiin, hooballadu siday u kala heesi og yihiin ayay u kala cod macaan yihiin, mullaxamaystayaashu na sida ay u kala laxan duwan yihiin bay u kala laxan macaan yihiin u gu na kala horreeyaan sida laxankoodu u ga turjumayo ereyada heesta, kaban yaqaannadu waa sidaa si la mid ah oo siday u kala tumis duwan yihiin ayay u kala gacan macaan yihiin u na kala farshaxan sarreeyaan.

Jiim Sheekh Muumin wuxu ahaa boqorka cuudka iyo kabanka soomaalida, mana qabo in uu jiray ama jiro qof soomaaliyeed oo ka tumis iyo gacan macaanaa. Jaad goonni bay tumista gacantiisu ahayd, taas oo dareen iyo dhadhan gaar ah ii samaysa; mana is lihi bani aadan kabanka uu tumayo dhegaystay oo aanay saamayn gaar ah iyo jeclaysi dhegtiisu u yeelan baa jira.

Sida dhegaysiga hooballada ragga soomaaliyeed aan cidi ii labayn Maxamed Axmed Kuluc, haweenka na gabadh ii gu saddexayn Faadumo Cabdillaahi Kaahin Maandeeq iyo Sahra Axmed Jaamac, ayaa Jiim Sheekh Muumin ii gu yahay mullaxanka koowaad ee heesaha uu laxameeyay iyo kuwa uu gacantiisa kabanka u gu tumayo dhegtaydu maqalkooda ku raaxaysato.

Far iyo baadisooc goonni u ah, taa soo iskeed fan dhammaystiran u ahayd buu halabuurkiisa qaayaha leh u yeelay. Wuxu isku ahaa kabaniiste, mullaxan laxankiisu jaadgoonni yahay, fannaan iyo kolkolka qaar na halabuure sameeya heesaha. Dhab ahaan wuxu ahaa hoobal dhinac wal iyo xag kasta ba dhammaystiran. Shakhsiyad noloshiisa u huray kabanka ayuu ahaa.

Tiir adag oo u gu horreeya tiirarka quruxda iyo qaayaha sare u yeelay fanka soomaalida ayuu ahaa; bal e, sida wax kasta oo qurux badan wax quruxda la gu majeerto u yeelay u jiro, ayaa quruxda iyo qaayaha fanka soomaalidu u ahaa Jiim Sheekh Muumin. Ilaahay ha u naxariisto.