Jaama-Yare iyo Qisada Kabihii uu Warqadda Ku Tolay!

MAQAALLO

9/23/20196 min read

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo loo garan og yahay Jaamac-Yare oo aan Xamar ku hoyga uu ka deggen yahay ku booqday 19/02/2019 baa aniga oo ka la sheekaysanaya waaya-aragnimadiisa dheer ee uu ciidannimada, sirdoonnimada, dawlada iyo soomaalida ba u lee yahay, wax uu ii ga sheekeeyay qisadan isaga oo ii ga warramaya 1968kii oo uu ahaa Taliyaha Booliiska Waqooyi oo dhan. Wax uu ku bilaabay sheekadan Jaamac:

“1968kii, bishii February wax aan maalin dhanbaal Muqdisho ka yimi ka dhex helay warqad gal weyn ku jirta oo leh cinwaankii Jamhuuriyada Soomaaliya. Wax aa ku qornaa in ay u socotay Xasan Guuleed Abtidoon oo madax u ahaa mucaaradkii gobannimo doonka ee Djibouti. Wax aa ku lifaaqnayd warqad yar oo aniga ii ga timi Taliskii Sare ee Booliska. Taydii baa aan furtay. Wax ay lee dahay: “Wax aad u xil saaran tahay in aad warqaddaas Xasan Guuleed gaarsiisid, jawaab na ka keentid ka hor inta aan Raysalwasaaruhu u safrin Yurub. Wax uu na rabaa talada Xasan Guuleed si uu u ga la hadlo Madaxweyne De Gaulle ee Faransa arrinta Djibouti.’’

Wax ay I gu noqotay xil culus. Warqaddu sidii ay ahayd la gu ma deyn karin oo haddii wakhtigii Gaullisyadu warqad cinwaanka Dowladda Soomaaliyeed leh Xasan Guuleed la gu arko neecawda ayaa la ga qarin lahaa.

Faransiisku si xoog leh baa ay u baadhi jireen dadka Djibouti gelaya. Wax aan go’aan saday in sida keliya oo aan warqadda Djibouti ku gelin karay ay ahayd in aan kab hoosteeda geliyo. Haddaba yaa aan ku aamini karaa tolista kabaha? Yaa se aan ku aammini karaa in uu qaado? Kaba tole kasta kuma aamini karayn oo wax aan ogaa in ay jiraan basaasiin Faransiis.

Waxaa jirtay xarun dadka naafada ah la gu xanaaneeyo oo la gu baro farsamoyinka sida tolista kabaha, dawaarka, iwm. Wax aa maamule ka ahaa nin aan aad I su naqaannay, Ismaacil Xaaji Cubulle, Allah ha u naxariistee. Ariintii u sheegay. Wax uu I gu yidhi: “Iikeen qiyaasta, nin aammin ah oo fiican baa aan u dhiibayaaye.”

Wax aan ka dib is weyddiiyay yaa warqadda qaadi kara oo aan kabaha u tolaa? Wax aa I gu soo dhacay nin la oran jiray Ciise Gaboobe oo Djiboutiyaan ahaa oo aannu is ku barannay nabadeyn laba beelood oo deegaanka Hargeyesa dagaal ku dhex maray. Isigii baa aan galab u gu tagay meel aan ku aqiin in uu ku caweyn jiray. Wax aan weyddiiyay goorta uu Djibouti tegayo? Wax uu ii gu jawaabay, “Maalin dhow.” Wax aan u sheegay in aan hayo Warqadd Xasan Guulleed u socota oo ka timi Dowladda Soomaaliyeed. Wax aan weyddiiyay in uu qaadi karo? Geesi baa uu ahaa oo wax uu ii gu jawaabay, “Si xun baa dadka loo baadhaa, waan se qaadayaa kol aan sharabaadka (Socks) geliya na.” Waa aan kaxeeyay oo gurigaygii baa aan geeyay si aan u ga qaado qiyaasta cagtiisa. Ka dib na meeshi baa aan ku celiyay. Ciise waa uu gartay in aan kabo u tolayo, laakiin mar na I gu ma soo qaadin, anigu na uma sheegin. Cabbirkii cagta Ciise baa aan u geeyay Ismaaciil Cubulle si kabihii loo tolo.

Ismaaciil laba ra’yi baa uu ku kordhiyey. Wax uu kabatolihii ku yidhi “nin Jaamac (aniga) Abtigiis ah baa cudur la garan waayay hayaa oo wax aa la gu la taliyay in uu qardhaas u qoro uusan ogayn, oo sidaas baa qardhaas kabta loo gelinayaa.” Midda labaad Ismaaciil waa uu ogaa in warqadda kabta la ga soosaari doono, oo wax uu ku yidhi kabatolihii “meesha ay warqaddu gelayso ha ku tolin Suun (maqaar) e, ku tol shootali (dun).”

Warqadda uma dhiibin oo anigaa hayay inti kabaha la tolayay. Tolmadii kabuhu markii ay ku soo dhammaatay maalin gudaheed baa ay Ismaaciil iyo ninkii kabaha tolay guriga ii gu yimaaddeen goor gabbaldhac ah. Warqaddii baa meeshii u banaannayd uu farsamayaqaankii geliyay oo hortayda ku tolay. Iyagii baa aan dabadeed baabuurkaygii ku qaaday oo meeshoodii ku celiyay, kadib na Ciise baa aan goobtii uu ku cawayn jiray ka soo qaaday. Gurigaygii baa aan keenay oo ku tijaabiyay kabihii. Si fiican baa ay u leekaadeen.

Markii ay Ciise kabihii leekaadeen baa aan weyddiiyay goorta uu tagayo? Wax uu I gu yidhi, “Anigu diyaar baa aan ahay ee baabuurkii aan raaci lahaa baa labo ama saddex beri rakaab urursanaya.” Wax aan ku idhi “Haddii aan anigu baabuur kuu keeno goorma ayaad tegi kartaa?” Wax uu I gu yidhi: “Beri subax ba.”

Wax aan la xidhiidhay Maxamed-Iid, oo ganacsatada reer Hargeysa ka mid ahaa, wax aan ka soo ammaanaystay baabuur land-rover ah, maadaama aanan Ciise ku qaadi Karin baabuurkayga ama baabuurta kale ee booliiska. Ciise isla aroortii baa uu u safray Djibouti, anigu na waa aan dabagalay, aniga oo weli kabihii sida. Xuduudka Lowya-Caddo markii aan ku dhawaannay baa aan dhaafay gaadhigii Ciise aan siiyay oo wax aan ku sii sugay guriga dowladda dabaqa sare. Markii isagu na soo gaadhay Lawya-Caddo baa uu kor ii gu yimi. Markaas baa aan siiyay kabihiisii cusbaa oo ay ku hoos jirtay warqaddii Raysalwasaaraha Soomaaliyeed u soo diray Xasan Guuleed Abtidoon. Wax aan Ciise sii tusay meesha duntu ku tolnayd si uu hadhaw mindi u gu saro si warqadda uu u ga soo saaro.

Warqaddu Af Faransiis baa ay ku qornayd oo wax aa loo gu talagalay in Xasan Guuleed si sahlan u akhristo, cid kale na aanay akhrisan.

Ciise wax aa uu I gu la ballamay in uu saddex beri gudahood ku soo noqon doono isaga oo arrintu muhiimadda ay lahayd I su xilqaamayay, haddii kale wax uu jeclaan lahaa in uu Djibouti oo magaaladiisii ahaan jirtay muddo dheer iska sii joogi lahaa. Hase yeeshee, soo noqodkiisii wax ay ku qaadatay shan beri. Aad baa aan u werweray kadib markii ay saddaxdii maamlmood ee ballanku ahaa dhaaftay oo wax aan ka baqay in Ciise iyo warqaddii ay wax ku dhaceen! Intii aan sugayay soo noqodki Ciise iyo jawaabtii Xasan Guulleed, wax aan maalintii isku mashquulin jiray in aan ugaadhsi ubaxo, illeyn caadi ma ahayn in masuul aniga oo kale ihi Lowya-Caddo iska fadhiyo shan beri e.

Baabuurtu wax ay Djibouti ka soo baxaan galabtii. Anigu na maalin walba wakhtigaa wax aa diyaar ku ahaan jiray guriga dawladda ee Lowya-Caddo. Nasiib wanaag galabtii maalintii shanaad baa askarigii ilaallada daarta dawladda ahaa dabaqa sare ii gu yimi oo I gu yidhi, “Nin Ciise la yidhaahdo baa ku raba.” Markaas baa aan si degdeg ah u gu idhi “Soodaa.” Ciise oo ku faraxsan hawsha qiimaha weyn leh ee uu soo qabtay baa markii uu ii yimi ba ku yidhi “Waatan Jawaabtii,” oo bilaabay in uu warqaddii ka soo saaro meeshi markii hore ay tii hore ku jirtay. Ka hor intii uusan soo saarin ba waxa ishaydu ku dhacday warqaddii, illayn meeshii baa la soo geliyay oo aan dib na loo soo tolin. Waa aan ka naxay halista ay ku sigteen Xasan Guulleed, Ciise iyo warqaddu ba: haddii Ciidankii xuduudka ee gumaysigii Faransiisku uu feeyjignaan lahaa, oo kabaha Ciise gashanaa ay hoos u eegi lahaayeen ayaandarro ayaa ay ahaan lahayd.

Isla markii uu Ciise jawaabta ii keenayba waa aan kasoo dhaqaaqay Lowya-Caddo oo Hargeysa Ayaan ku waabariistay si aan jawaabta u saaro diyaaradii Soomaali Airlines oo subaxnimada Muqdisho tegaysay.

Wax aa jirtay haddaba, wakhtigaa sannad ka dib kolkii doorashada baarlamaanka Djibouti dhacaysay in Dawladdii Soomaaliyeed doontay in Xasan Guulleed lacag loo diro. Wakhti habeen fiid ah annaga oo dubnad ku ciyaarayna Naadigii Booliska ayaa Isgaadhsiintii Taliskii Booliska Muqdisho la ii ga yeedhay oo la I gu yidhi: “ Berri aroorta Boorama ku waabariiso diyaarad baa halkaa kuu gu imaanaysa’’. Sidii baa aan yeelay. Diyaaraddii baa timi subaxnimadii waxaa na la socday Daahir Xaaji Cusmaan, Agaasimihii Guud ee Wasaaraddii Arrimaha Gudaha. Wax uu siday shandad lacag qalaad ka buuxdo oo loo gu talagalay in Xasan Guuleed la gaarsiiyo. Maxamed Ibraahim Cigaal, oo aan ogayn sidii aan warqaddiisii u mareeyay oo Xasan Guulleed ku gaadhsiiyay, baa Daahir ku yidhi: “Jaamac baa yaqaanna meesha loo marayo Xasan Guulleed.”

Wax aan Daahir ku idhi: “meel aan warqad marsiiyay shandad lacag ah lama marin karo, aniga oo aan u sheegin sidii aan sameeyey kolkii aan warqaddii hore dirayay.” Lowya-Caddo baa aannu tagnay annaga oo lacagtii wadna oo dhowr beri joognay, gelinna kari weynnay lacagtii Djibouti oo Hargeysa ayaa aannu dabadeed ku la soo noqonnay kadib na Daahir lacagtii Muqdisho ayaa dib u gu la noqday.

Haddii ay wakhti hore ahaan lahayd ganacsatada Soomaaliyeed baa aan Djibouti u ga yeedhi lahaa oo u dhiibi lahaa, dabadeed iyaga ayaa Xasan Guulleed lacag Djibouti ku siin lahaa. Sidaas oo kale baa aannu sameynnay wakhtigii ‘No iyo Oui’ oo Dowladda Soomaaliyeed lacag u soo dirtay Xisbigii Movement Poupoular. Wax aannu u dhiibnay Maxamed Jaamac Carraale (Jujuule) oo lo’ ku iibsaday, Xisbiga na lacagta qiimaheeda Djibouti ka siiyay.”