HA IMAN LAHAYDAA

Sheeko Gaaban

MAQAALLO

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

3/12/20224 min read

Qorraxdu waa ay gaabatay oo kulaylkii ay maanta dunida ugu xoog sheegatay wuu ka dhammaaday, waxayna u sii tukubaysaa godkeeda. Dadku qofqof iyo kooxkooxba iyaga oo ah oo lugaynaya ayay marayaan waddada hortiisa. Waa waddo. Waddo laami ah oo laba haad ah oo dhawaan uun la dhisay. Darawallada baabuurta waddaa cagta ayay la macaamsanayaan leewarka. Xawaare sare ayay baabuurtu ku socotaa. Qof iyo qofaf dhawr ah, dadku qaar ba dhinac bay u socdaan. Isaguna wuu iska fadhiyaa. Wuxuu iska fadhiyaa aqalkiisa hortiisa, halkii uu shantii sanno ee u dambeeyayba goortan oo kale dan la’aan isaga fadhiisan jiray.

Raage waa soddon jir ah caafimaadkiisu taam yahay. Sida ay hooyadii u sheegtay magaciisu wuxu ku astaysan yahay, si kalena xasuus u yahay waqtiga fooshiisu qabatay ee uu dhashay, oo maalinta goorta ay qorraxdu ugu kulushahay ee cirka ku kala badhan tahay ahaa. Inkasta oo Raage dabcigiisa naxariis iyo raxmad deggen yihiin, hayeeshee, waxa la fili jiray in wiilka xilligaa dhasha adadayg lagu kuunyi doono. Maalinta uu dhasho haddii habeennimadeeda dirirku fadhiisyo rugaha qaarkoodna, waxaa la odhan jiray wuxuu noqon doonaa wiilkaasi cirsankayeedh.

Inta uu qadaadka kursiga ku tiiriyay oo wejiga cirka ku beegay ayuu cabbaar indhaha isku qabtay. Wax kasta oo uu isdiidsiin jiray, galabta wax uu damacsan yahay inuu si toos ah uga fekero. Waxaasi awalba maskaxdiisa kama ay bixi jirin, waase markii koobaad ee uu si dhammays tiran uga fekero. Awel wuu ka nixi jiray oo isdiidsiin jiray, fekekiisana dhan kale u rari jiray, maantase si dhiirran ayuu u raacraacayaa.

Dadka dhan walba u qulqulayaa in uu garanayo iyo in aanu garanayn midna dan kama laha. In hortiisa dad marayaan iyo in aanay dad ahayn midna macno uma laha. Shan sannadood baa ka soo wareegtay maalintuu dad oo dhan noloshiisa ka saaray, ee la hadalkooda, la dhaqankooda iyo la rafiiqooda iska mabnuucay. Nacayb iyo jacayl toona uma hayo. Isaga se waxa loo haystaa in uu galab kasta halkan u soo fadhiisto fiirfiirinta dadka iyo daawashadooda.

Wuxuu dareemayaa in ay yihiin wada dulmiileyaal haddana wada dulman. Waxay ula muuqdaan dad ay dadnimo beri hore kala xidhiidh furteen. Dad damac xun oo nolosha u yaqaanna danaysi, sidaa darteed dad wada socda haddana kala socda, kala maqan oo isku maqan, wada jooga haddana midba midka kale iska eegayo. Takhasuskooda koobaad, maya e, takhasuskooda ugu weyni waa nacaybka dhexdooda, siyaalo badan oo yaab leh taana isugu muujiya. Dad caadaddoodu tahay haddii uu qof kale ka taag roonaado in uu dilo, oo xanuujiyo, oo dhaco, oo dulmiyo. Marka ay wax is yeelayaan wax aad mooddaa in quluubtooda laga qallajiyay naxariis iyo bani aadannimo oo dhan. Qofkii aan qalbigiisu dhabar yaxaas ka qallafsanayn fuley iyo qof jilicsan ayuu dhexdooda ku astaysan yahay. Dad ka samaysan nacayb, nacabnimo iyo arxandarro.

Noloshooda qofka ka midka ahina mar isaga laga adag yahay oo uu dulman yahay iyo kol uu isagu adag yahay oo xadgudbayo ayay u dhaxaysaa. Xaqdhawrka, sinnaanta, nabadda iyo wanaag kasta oo ay maalin isu muujiyaan waa isyeelyeel ay duruufo jiraa ku dirqiyeen ee ma aha dabcigooda. Sarraynta dadnimadu agtooda wax kale ma aha waa munaafaqnimo. Beenta iyo munaafaqnimadu waa dabeecad goonni u ah. Dhul, dawlad iyo dan la wadaago kala sheegadkoodu iyo ku dagaallankoodu waa marmarsiinyaha ay ku raadiyaan dhimashada ay caashaqsan yihiin. Wax alla waxa ay kala haystaan ma jirto haddana sidii ay isu gumaadayeen waxa ay ku dhowaadeen in ay isku dabar go’aan. Dil, qax, curyaamin, saboolin iyo dhaawacyo nafsadeed oo xanuun badan ayay iswada badeen. Dabeecaddooda waxa lagu qeexi karaa axmaqnimo nacab ah oo waalan. Tolow dunida ma jiraan dad kale oo waxaas oo nacayb ah, waxaas oo nacabnimo ah, iyo waxaas oo axmaqnimo ahi dabcigooda ku jiraan, oo haddana sheegta bani aadan? buu is weydiiyay. Wax ay isu haystaan in ay nool yihiin, balse noloshoodu waa mid dhimashadu u dhaanto. Maxay noloshoodu ku macnaysan tahay mar haddii ay duugeen ku dhaqankii dadnimo iyo damiirkoodiiba. Dad sidaas ahi xaq uma leh in ay nolol hagaagsan ku noolaadaan, taasina waa sababta ilaa maalintii la uumay noloshoodu silic iyo saxariir miidhan u tahay.

Dareenkiisu waa naxdin iyo argaggax iyo murugo iyo ciil iyo iyo qaadanwaa. Tan iyo hanaqaadkiisii iyo ka dib maalintii uu waxbarasho bilaabay dabadeed wacyigiisu koray, garaadkiisa iyo garashadiisuna si joogto ah u korayeen, ilaa maanta naftiisa ku layliyay in uu qof dhaqan toosan oo wanaagsan intii suurtogal ah oo ceeb yar oo sifooyinkii dadka wanaagsani lahaayeen ku dabbaqay noqdo. Qalbigiisa xasad iyo nacayb labadaba wuu ka ilaaliyay kana sifeeyay, si uu u noqdo qof dhammays tiran oo dul iyo hoosba nadiif ah. Wuxuuna ka fogaaday fal kasta oo qof kale wax yeelaya. Haddii xumaan lagu sameeyo kagama jawaabo wax aan ahayn waano iyo dulqaad. Dabadeed wuxuu ogaaday in uu yahay qof waalan ama dhaandhaan ah. Dhaqankaas qumman ee ay ahayd in uu dadka asal u ahaado waxaa loo arkay nacasnimo aan dabiici ahayn. Laga soo bilaabo maalintaa wuxu goostay in xidhiidh wal oo uu dadka la lahaa jaro. Sifo kasta oo ay ku xidhiidhi karaanna iska awdo. Waana shan sannadood inta uu keli nool yahay, carrabkiisuna erey soo xanbaarin. Wuxuu ka fekerayaa galabta oo dhan mashaqada jirta in uu magac u yeelo oo meel ka soo bilaabo, balse meel uu ka soo qabto ayuu waayay dabadeed inta uu kursiga dib ugu jiifsaday cirka eegay. Dadku guud ahaan wanaagga wuu jecel yahay, haddaba maxaa ku kellifaya in intii dadnimo u taagnaydba u arkaan nacasnimo, ayuu isweydiiyey.

Wax uu kursiga dul saarraado oo samada eegaba, wax uu niyadxumo iyo ciil madaxa la ruxaba, wax uu mar kululaado marna yara dago, mar xanaaqo marna naxoba, waxaa ku soo degtay taladii uu awelba hubay in aanay is hurayn. Madaxiisii ayuu soo qaaday oo hagaag kursigii ugu fadhiisay. Indhihiisii samada ku takhlanaa iminka hortiisa ayay fiirinayaan. Cabbaar ayuu fikraddii maskaxda ku shiilay ilaa ay isu rogtay talo uu si buuxda ugu qancay. Wuu fududaaday oo culayskii dhabarka iyo wadnaha ka saarnaa laga qaaday. Aqalka uu hor fadhiyo waxa ka soo horjeedda daar aad u dheer. Waa siddeed dabaq oo dusha iska saaran. Aqalkiisa iyo sartaa laamida ayuun baa u dhaxaysa. Sidii qof waashay ayuu kor u booday oo inta uu kabaha illaday laamidii ka tallaabay oo sartii dheerayd dhakada uga baxay oo inta indhaha uu isku qabtay iska soo shalwiyay isaga oo ku qaylinaya “HA IMAN LAHAYDAA” oo uu uga jeeday halkan iyo sida uu ku noqday iyo dadkan iyo dabci xumadooda. Shan sannadood hadalkii ugu horreeyay ee afkiisa ka soo baxay iyo kelmaddii ugu dambaysay ee uu yidhaahdo ayay noqotay. Ha iman lahaydaa!