Reviews

Review 1 - Faisal Roble

Buuggan Cabdiqani qorey waa dhaxal reeb iyo keyd diiwaan galinaysa taariikh nuxur leh Soomaalida intii u dhaxaysay 1930hii illaa 2003dii. Xog muhiim ah oo la rabo in da’ walba oo Soomaali ahi akhrisato ayaa kula kulmaysaa. Waa buug xogta iyo dhacdooyinka ku duugan ay koobayaan laba qarni oo kala ah qarnigii 20aad iyo kan 21aad. Waa sheeko-wadaag ku aaddan dhalashadii Soomaaliya, doorkii uu Cabdiraxmaan Tuur kulahaa kobcinta dawladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan waxqabadkiisii dhinaca arrimaha dibadda xilliyadii uu danjiraha ahaa, iyo kala cararkii dadkii marka horeba wax isku darsaday ee kala ahaa Koonfur iyo Waqooyiga Soomaaliya. Xiiso badan ayuu buuggu ku galin, wax badan oonu dadku ogeyn amase intii taqaanay ay maanta da’ yihiin ayaa buuggan ku duuggan.

Review 2 - Xil. Ahmed Xiis Dharbaan

Buugga laga qoray noloshii Madaxweyne Cabdiraxmaam Axmed Cali, wuxu ka mid noqon doonaa buugagta ugu culculus ee ku qoran Afkeenna - wuxuu ku qoran yahay hab aad u fudud oo hal mar ku saamaxaaya inaad nuxurka kala baxdid dhigana iyo sooyaalka marxuumkaba.

Review 3 - Qoraa Mohamed Saleeban

Buuggani waa ibafur, barbilaw iyo ballaysin laga ambaqaadi karo Kaydinta Sooyaalkii ballaadhnaa ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali.