Covid19 Wacyigeenna Ma Korin Doonaa?!

Blog post description.

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

9/23/20207 min read

Goor ay ahaata ba cudurka Covid19 sida dabiiciga ah dunida wuu ka baxayaa. Waxa se xaqiiqo ah in wacyiga guud ee bani aadanku ku koray, dadyowga dunida na, bulsho ahaan iyo dawlado ahaan ba uu cid walba wax barayo, iyagu na (dad iyo dawlado ba) ay wax badan ka baran doonaan.

Inta uu xanuunkani dunida ku jiro ee dhex mushaaxayo taariikh baa is qoraysa, taas oo Covid19 ka dunida hor iman doonta oo la akhrisan doono. Marka la ga yimaaddo in taariikhdu ka warrami doonto saamaynta ballaadhan ee uu dunida ka ga tagi doono xanuunku, arrin weyn oo kale ayaa is qoridoonta; taasi oo ah dawlado iyo madax halgan nafhur ah muwaaddiniintooda u galay oo qaarkood inta ay waajibka dadkooda guteen ka sii badiyay oo badbaadinta shucuubta dunida na gacan ka gaystay iyo madax iyo dawlado uu xanuunku hafiyay oo tabaabulshe xumadooda, hoggaamin la'aantooda iyo lexejeclo xumadooda, labadaas baa taariikhda si weyn u ga dhex muuqan doona. Qoloda danbe waxa i su qori doonta run qadhaadh oo ah in aan magac dawlad, madaxweyne iyo siyaasi keli ah mooyaane aan nuxur ka hooseeya oo ay lee yihiin jirin!

Dawladaha dunida waxa ay marayaan in ay inta xanuunkani dunida dhex socdo ay ka la boobaan ama ka la afduubtaan deeqaha cirka iyo badaha ba maraya oo dawlad wali ba is ku dayayso in wixii ay doonta ba ha ku qaadatee ay u hesho dadkeeda waxyaalaha aasaasiga ah ee baahida weyn ay u qabaan. Tusaale ahaan dalka Czech Republic waxa la gu eedeeyay markab Talyaaniga u siday afdabool (Face-masks) in ay dhexda ka leexsadeen iyaga oo ku dooday in ay iyagu ba u baahan yihiin.

Qabiil iyo wax kale oo soomaalidu tixgalinta siin jirtay maanta, Soomaaliland dawladnimadeeda na magac keli ah ka dhigay badbaaddada hal qof na kuma filna. Laandheere mid is ku sheega iyo laangaab mid la gu sheego, qabiillo awood iyo badnaan sheegta iyo kuwo la yaraysto inta ba maanta cabsida xanuunkan waa la ga siman yahay, haleelkiisa iyo sida uu dadka u gu dhacayaa na waa is ku mid. Marka baryada Alle la ga yimaadda na, ma jiro qof reer Soomaaliland ah oo maanta og ama sheegi kara cid badqabkiisa ka shaqaynaysa ama haddii uu qof muwaaddin Soomaaliland ah haleelo cid daryeelkiisa u istaagaysa.

Kolka ay qaran soo foodsaaraan dagaallo, cudurro faafa (sida kan imika jira) iyo masiibooyinka dabiiciga ahi, waxaa macne weyn yeesha dawlad walba sida ay u ga shaqayso bedqabka dadkeeda iyo waliba xidhiidhka iyada iyo muwaaddiniinteeda ka dhexeeya. Imika cudurkan dhiillada lihi tusaale ahaan dalka Iswiidhan isaga oo ku jira, hadda na noloshii bulshada wax weyni is ka ma beddelin. Meelaha wax la ga cuno iyo meelaha la ga cabbo, goobaha shaqada badankoodii, gaadiidkii dadweynaha iyo I su socodkii dadku ba waa sidoodii. Dadku waxa argagax iyo cabsi muuqata ah ma qabaan. In ay dadku maanta sidaa u deggan yihiin waxaa keenaysa kalsooni xad-dhaaf ah oo qofku ku qabo dawladdiisa iyo hay'adaheeda, isaga oo u arka in ay u taagan tahay oo keliya isaga noloshiisa iyo khayrkiisa.

Xaaladda dadka ereer Iswiidhan bal teena barbar dhig?! Soomaaliland ma ku haysannaa dawlad aynnu sida muwaaddiniinta Iswiidhan dareyeelkeenna u ga warwar la’aanno oo muwaaddin kastaa ba og yahay in ay bedqabkiisa ka shaqaynayso? Muwaaddin kasta oo reer Soomaaliland ahi wuxuu ku jiraa halis, tu maanta ah iyo mustaqbal ba waa khatar-u-joog. Sidaa oo ay tahay, dhammaan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliland dadku sidoodii baa ay u dhaqan yihiin, u socdaan una shaqo tagayaan. Waayo, dadku intooda badan wax ay shaqaystaan nololmaalmeedka oo guryaha ma joogi karaan, dawlad sida ta Rwuanda oo muwaaddiinteeda maadaama ay guryaha jooga tidhi u diyaarisay qoys walba raashinkii uu ku noolaanlahaa ama ta Iswiidhan ay kalsooni ku qabaan oo u diran badbaadintoodu na ma jirto e, dan baa dadka ku kelliftay in sidoodii noloshooda u wataan. Ilaahay uun baa ay lee yihiin.

Cudurka COVID-19 sida loo gu dhintaa wax ay ku xidhan tahay duruufaha dhaqaale iyo hab-maamul ee dal walba. Haddii aynnu eegno jadwalka joogtada ah ee hay'adda WHO ku muujiso hadba dadka dunida cudurkan u soo dhaca iyo inta u dhimata wax aad ka arkaysaa ka la duwanaan aad iyo aad u weyn. Ka la duwanaantaa sababteeda kowaad waxaa loo aanayn karaa fursad uu bukaanku u helay ama u waayay daryeel caafimaad oo habboon.

U fiirso 12-ka dal ee aan isu soo xulay mid walba inta qof ee ka bukootay iyo tirada u dhimatay: Imaaraadka 2,076 qof baa u bukooday, waxaa na u dhimatay 11 qof; dalka Gadar waxaa bukooday 1,832 qof, waxaa na u dhintay 4 qof; dalka Kuwayd 743 qof baa bukooday, waxaa na dhintay qof keli ah. Saddexdaa Carbeed ee hodanka ah bal barbar dhig saddexdan kale ee saboolka ah: Masar 1,322 qof baa bukooday, waxaa na u dhimatay 85 qof; dalka Ciraaq 1,031 qof baa bukooday, waxaa u dhimatay 64 ruux; dalka Maqrib 1,141 qof baa bukooday, dhimashadu waa 83 qof. Bal hadda na, dhinaca kale, waxa aad u fiirsataa saddexdan dal ee maamul wanaagga cudurkan ku saabsan is ku dhinaca ah: Kuuriya 10,331 qof baa bukooday, waxaa na u dhimatay 192 qof; dalka Jarmalka 104,199 qof baa bukooday, dhimashadu na waa 1,842 qof; dalka Norway 5,865 qof baa bukooday, waxaa na u dhimatay 85 qof. Saddexdaa dhanka maamulwanaagga xanuunka ku xakameeyay bal ku eeg saddexdan kale ee la duruufta ah se maamulku ka xumaaday: Talyaaniga 132,547 qof baa bukooday, waxaa na u dhintay 16,523 qof; dalka Faransiiska 74,390 qof baa bukooday, waxaa dhimatay 8,911 qof; dalka Ingiriiska 51,608 qof baa bukooday, waxaa na dhimatay 5,373 oo qof( ).

Sida muuqata waxaa la is ku dhaafay maamul wanaagsan, dhaqaale wanaagsan iyo daryeel wanaagsan oo cudurka la gu la tacaalay ama loo waayay. Umad qabiillo u ka la jabsan qaran dhab ah ma yeelato, maamul wanaagsan ma dhisato, dhaqaale ma yeeshaan, daryeel wanaagsan oo xaaladaha sida tan taaganta oo kale ah na ma helaan. Masiibo wal iyo aafo kasta waa ay u nugul yihiin oo ku le’daan. Dareenwadaag ma laha. Tashi iyo talo mid ah na tu mustaqbal iyo ta taagan toona kama yeelato. Waxa ay ku hoos dhintaan, ku hoos baylahsan yihiin kuna hoos darxumoodaan iyaga oo dareenka baahida ay wadar ahaan qabaan og iyo iyaga oo aann taa ogayn ba qaran qabiil. Waxa keli ah ee indhaheedu qabtaan ama ay dirir iyo dadaalba u galaan waa in qolo waliba goor nin ka dhashay qaranka magaca ah ee ay hoostiisa ku gaajoonayaan kursigiisa ku fadhiisto. Qaran qabiil na ma dhismo, nin qabiil la gu saaray na qaran dhismihii kama shaqeeyo.

Runtu waa in dawladnimada aynnu sheegannaa maanta magac keli ah iyo qof maalin ba ku magacaaban tahay. Xaqiiqadu waa in aynnu ummad cidlo joogta ah nahay oo been iyo khuraafaad is ku seexisa. Dawladnimo iyo qaran ummadeed waxa uu yahay oo dhan magaca keli ah baa aynnu ka la soo hadhnay oo haysannaa. Dunida maanta aynnu ku nool nahay na, sida isbarbardhiggaa aynnu samaynay ina tusinayo, waxa la gu ka la tagay saddex: maamul, dawlad ama dheh ba qaran wanaagsan, dhaqaale wanaagsan iyo daryeel wanaagsan. Ta hore oo maamul wanaagsan ah marka ummaduhu helaan baa ay dhaqaale wanaagsan yeeshaan, daryeel wanaagsanna helaan goor kasta ba.

Baahiyo waaweyn baa muwaaddinka kasta oo reer Soomaaliland ahi maanta tabayaa. Baahiyaas oo cidda keli ah ee dabooli kartaa dawlad tahay. Jiritaan la’aanta dawladnimo dhab ah, waxa u maqan wax allaala wixii muwaaddin dawladdiisa ka heli lahaa. Bal u fiirso, waxa toddobaadyo ka hor ka hadlay saamaynta uu dadka reer Soomaaliland ku yeelan karo xanuunkani Dr. Buuxane. Wuxuu sheegay in qiyaas ahaan boqol iyo laba iyo labaatan kun iyo shan boqol (122500) oo qof in xanuunkani soo ridan karo. Wuxuu intaa raaciyay in cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, tusaale ahaan, ay afar boqol (400) oo sariirood yaallaan, haddii la eego cisbitaallada gaarka loo lee yahay na midkii ba boqol (100) sariirood aanay gaadhin sariiraha yaallaa( ). Tu kale oo uu sheegay Dr. Maxamed Cabdi Gabboose ayaa iyadu na tu argagax leh ahayd. Wuxuu sheegay in xanuunkani sanbabada saameeyo oo qofka uu haleelaa u baahan yahay ogsojiin, dalkeenna oo dhanna hal mishiin oo ka ogsojiinta sanbabada ahi uu yaallo!( ) Waa kaaf iyo kala dheeri sow ma aha! Waliba na ku darso oo halka mishiin ee Dr. Gabboose sheegay na sida la ii sheegay ee aanan se hubin waxa uu yaallaa dhakhtar kuwa gaarka loo lee yahay ka mid ah. Bayd gabayga “Dhulgariir” ee Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” tiriyay ku jira ayaa wuxuu odhanayay: “Ummad yahay dhab baa loo hadlaa waa is dhigateene”

Aafada fayraska Corona wax ay baxaysaa iyada oo dunidu yeelatay muuqaal aan kii hore ahayn. Isbeddel laxaad leh baa ku dhacaya degaanka, bulshooyinka, dhaqaalaha iyo siyaasadaha dunida inta ba. Waxsoosaarka iyo irsaaqadda dadyowgu maanta aad bay I su gu wada xidhan tahay, haddii xidhiidhka iyo dhaqdhaqaaqa dunidu xayirmana dadyowga liita ama is dhigtay ee aan waxba la soo bixini gaajo ayay u bakhtiyayaan. Taasi wax ay waajibinaysaa in maanta ka dib awoodda qarameed oo dhan la saaro u gu yaraan in cuntada la la soo baxo. Fayoobida degaanku waa ay fiicnaanaysaa, waayo waxaa joogsaday ama yaraaday ilihii diqowga, sida dayuuradihii, warshadihii, gaadiidkii iyo guud ahaan adeegsiga shidaalka gubashada, qiiqa iyo kulaylka leh. Dhaqaalaha dunida burbur iyo isbeddel baa ku dhacaya, dabadeed qaar baa dhakhso u soo kabanaya oo xoogaysan doona, kuwo kalena waa ay daciifi amaba musallafi. Dalalka ku tiirsan soosaaridda shidaalka xaalkoodu ma fiicna, dalal uu Sacuudigu ku jirana durba nabar culus baa gaadhay. Waxsoosaarkii warshadaha iyo suuqyadii ganacsigu heer aad u hooseeya ayay ku dhaceen.

Wacyiga iyo hab-fikirka bulshooyinka wax baa is ka beddelaya, taasina wax ay saamayn doontaa sida qolo waliba nafteeda u aragto dunida kalena u aragto. Waxaa yaraanaya ama xoogaysanaya sidii hore ee la I su saamayn jiray ama aan la I su saamayn jirin. Taasi wax ay wax ka beddelaysaa miisaanka quwadaha dunidu dadyowga ku ka la yeelanayaan. Sidoo kale siyaasadaha iyo xidhiidhka dawladuhu sidii hore ahaan maayo. Wayddiinta halkan mudanka ahi waxa weeye: tolow innaga muxuu inaga beddeli doonaa xanuunkani? Wacyigeenna ma korin doonaa? Sida aynnu dad ahaan iyo dawlad ahaan ba I su aragno dib ma u qaabayn doonaa? Runta dhexdeena ee ah in aynnu dayacan nahay oo dawladnimo dhab ah u baahan nahay ma ku baraarugi doonnaa? Qabiil iyo kooxaysi in aanu mustaqbalka iyo maanta toona ina badbaadin doonin oo ina dhisi doonin ma yaqiinsan doonnaa? Ma u kici doonnaa helidda dhismaha dawladnimo dhab ah iyo doorashada madax damiir nool oo taa ka shaqeeya?

Xanuunkan Covid19 iyo wax kasta oo badqabkeenna guud halis galin karaa waa farriin damiir kasta in ay gilgilaysaa hubanti ay tahay inagu na socon doonta, taasi oo markasta ina horkeenaysa baahida weyn ee aynnu maanta qabnaa in ay dawladnimo dhab ah dhismaheeda tahay, laakiin ka sheekaynta aafooyinkan taagan, kuwii hore iyo kuwa iman kara ba, haddii aan garaad la ga la hadhin, ina kicin oo aanay ina carin taasi na ina farin fal iyo dhaqaaq waa ayaandarro aynnu qaayibsan nahay iyo nolol dulli ah oo aynnu raalli ku nahay.

"Kol haddaan garaad la ga la hadhin, galabba sheeggeeda

Inta maanku gaajeysan yahay, guuli waa weliye." Gudgude, Hadraawi.